Xildhibaanno ku ka kacay KHALAD aad u wayn oo dhanka maamuuska & anshaxa ah (DF wax maka qabanaysaa?)

0

(Hadalsame) 19 Luulyo 2019 – Waxaa shalay shir jaraa’id qabtay xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Dhexe labadiisa aqal, kuwaasoo ka doodayay wax ay ku sheegeen ”khalad beel gaar ah laga galay”.

Yeelkeede, marka laga soo tago in aanay jirin urur ay beeli dooratay ama cid dan u qabata beel gaar ah, balse ay in yar oo aqliga iska qiiraysan ee Soomaalida fahamtey ee ku geeda gurato si ay daneheeda gaarka ah u gaarto adeegsiga magaca beesha oo aan dabcan lafteedu isku dan ahayn, maadaama ay u kala baxaan mid ladan, mid liita, mid beerato, ganacsato, dabato ama raacato ah iyo mid magaalo joog ah oo aysan daniba ka dhexeeyn karin, misna halkan waxaa ka muuqda laba khalad oo waawayn:

1 – Marka uu qofku galo hay’aadka waawayn ee qaranka waa in aanu umadda lasoo hor istaagin dood qabiil ama qabyaalad ku dhisan, waayo kursiga uu ku fadhiyaa waa mid qaran, qabiilkiisuna wuxuu ka mid yahay dadka Soomaaliyeed ee ay dowladdu u shaqayso, sidaa darteed sax ma aha inuu umadda qaybiyo.

2 – Waxay adeegsadeen astaanta qaranka, taasoo aanay sharciyan adeegsan karin cid aan ahayn dowladda dalka ka arrimisa ama qofkii dan qaran u taagan, sida halyeeyada qaranka ama dadka qaranka metelaya.

Astaanta qaranka ayaa waxaa awal aad u bah-diley maamullada oo si xun ugu feegaaray, taasoo ay dad badani ka xumaadeen.

Hay’aadka DF Somalia oo laftoodu aad u habacsan maamul ahaan waa inay maamuus (protocol) kasoo saaraan arrimahan oo kale, si aan loo aflagaaddaynin dowladnimada umaddana la iskaga hor keenin, iyadoo uu nin dan wataa iska dhigayo inuu cid gaar ah wax ugu maqan yahay, taasoo ah been cad oo horay loogu daaley.

FG: Xildhibaanku bartii laga soo doortay wuu u doodi karaa isagoo gobol ahaan uga fikiraya, qabyaalad maya.

Tifatirka: Hadalsame Media