Iiraan oo sheegtay inuu Maraykanku soo ”ridey dayuurad uu isagu leeyahay!” + Sawirro

0

(Tehraan) 19 Luulyo 2019 – Iiraan ayaa sheegatay in Maraykanku uu soo ridey daroon uu isagu leeyahay isagoo moodayay inay leedahay Iiraam, kaddib markii uu Donald Trump sheegay in Ciidamada Badda ee Maraykanku ay dhulka soo dhigeen dayuurad ay Iiraan leedahay oo dul haadayay Marinka Hormuus.

Wasiir Xigeenka Dibedda ee Tehraan, Abbas Araghchi ayaa si buuxda u beeneeyay warkaasi, isagoo meesha ka saaray gebi ahaanba in lagu burburiyay daroon ay Iiraan leedahay, Hormuus iyo meel kaleba.

‘Waxaan ka werwersan ahay in Feeryahanka Maraykanku uu khalad usoo ridey dayuurad UAS (Unmanned Aerial Systems) uu isagu leeyahay!’ ayuu soo tweet gareeyay mar dhowayd.

Warkan ayaa waxaa ka horreeyay mid uu Trump ku sheegtay inay soo rideen dayuurad aan nin wadin ‘oo daan daansi cadaawadeed’ lasoo doonatay, taasoo ay Wasaaradda Gaashaandhiggu markii dambe ku tilmaantay weerar ah dagaal danabeed (electronic warfare attack).

Hadalsame Media