RW Netanyahu oo kaligii go’aan shakhsi ah ka gaaraya qaddiyad khuseeysa Ilhaan Cumar!

0

(Tel Aviv) 19 Luulyo 2019 – Dowladda Yuhuudda ayaa aalaaba gelitaanka Israel u diidda qof kasta oo taageera dhaqdhaqaaqa BDS oo ah mid u dagaallama in la qaaddaco Israel. RW Benjamin Netanyahu ayaa haddaba la sheegay inuu haatan go’aaminayo in xeerkaasi uu qaban doono xildhibaannada Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib.

Dhaqdhaqaaqan loo soo gaabiyo BDS oo u taagan qaadacaadda, maalgelin diidka iyo cunaqabataynta (boycott, divestment and sanctions) ayaa aalaaba raadiya in Israel dhaqaale ahaan loo ciqaabo, maadaama ay si sharci darro ah u haystaan dhulalka reer Falastiin, wax lagu misaaley midab-takoorkii South Africa.

Israel ayaa iyaduna ururkan aad uga hor jeedda iyadoo ku tilmaanta mid caadifadaysan oo ”Yuhuudda neceb”, iyado dal ku galka u diidda qof kasta oo taageera, waloow ay il gaar ah ku eegi karto diblomaasiyiinta iyo siyaasiyiinta.

Iminka Benjamin Netanyahu, ayaa si shakhsi ah u go’aamin doona in labada gabdhood ee qura ee Muslim ah ee ku jira Aqalka Wakiillada ee Koongarayska, Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib, ay cag soo dhigi karaan Israel, sida lagu qoray Haaretz.


Hadalsame Media