DHEGEYSO: Soomaali ka qayb geleeysa koobka adduunka ugu ballaaran!

0

(Gothenburg) 19 Luulyo 2019 – Waxaa magaalada Göteborg ka soconaya tartanka ugu wayn ee loo qabto dhallinyarada adduunka ee Gothia Cup oo halkaa ka bilowday 14-kii bishan Luulyo.

Tartankan oo soo afjarmaya berri oo ay bishani 20 tahay isla markaana ay ka qayb qaadanayaan dhallinyaro ay da’doodu kala duwan tahay, waxaa sanadkan kasoo qayb galay kooxo gaaraya ilaa 1685 kooxood oo ka kala socda 75 dal, iyadoo la ciyaarayo 4346 kulan oo lagu kala dheelayo 103 garoon oo ku kala yaalla Göteborg, Mölndal, Kungsbacka iyo Alingsås, iyadoo kooxaha la geliyay guruubyo ay ku jiraan 4 kooxood oo ay soo gudbayaan 2-da ugu sarreeya wareeg kasta.

Waxaa tartankan kooxaha dheelaya oo ay da’doodu kala duwan tahay dadka ka qayb gala ka mid ah Soomaali u kala safan kooxaha kala geddisan, waxaana dadkaa fasal-ciyaareedkan weliba meel fog uga soo safray ku jira laacib yaraha Cabdi Hanad Maxamed Cabdi oo 14-jir ah.

Haddaba waxaa nooga warramay tartanka iyo halka ay ka yimaadeen Hanad Maxamed oo ah aabbaha wiilka aannu soo sheegnay.

 

Hadalsame Media