DHEGEYSO: Fayrus ka dhasha SHILINTA oo fara ba’an ku haya Sweden & warar Soomaalida ku saabsan

0

(Stockholm) 19 Luulyo 2019 – Waxaa iminka gebagebo ku dhow tartankan dhallinyarada Gothia Cup oo ah tartanka ugu ballaaran ee caalamka kaasoo xagaa kasta lagu qabto caasimadda 2-aad ee Göteborg.

Waxaana dadkaa fasal-ciyaareedkan weliba meel fog uga soo safray ku jira laacib yaraha Cabdi Hanad Maxamed Cabdi oo 14-jir ah, kaasoo aannu aabbihii Hanad Maxamed ka warraysannahay tartanka


Kiisas rikoodh jebis ah oo la xiriira fayrus la yiraahdo TBE oo laga qaado qaniinyada shilinta ayaa laga soo sheegayaa guud ahaanba gobolka Västra Götaland ee dalkan.

Waxaa ilaa haatan lasoo helay 16 kiis, iyadoo sanadihii tegey ee 2017-18 sanadkiiba lala tacaalayay 60 kiis, sida uu P4 Väst u sheegay Peter Nolskog, oo kaaliye dhakhtar ka ah Waaxda ka hor tagga Cudurrada faafa.


Ciyaarta dhaantada ayaa weligeed ka mid ahaan jirtay astaamaha hiddaha iyo dhaqanka bulshada reer miyiga ah ee Soomalida.

Waayadii hore waxaa la oran jirey reer miyi qofka dhaantada yaqaan, hase yeeshee waxay iminka gaartey iney dheelaan dhallaankii ku dhashay dibadaha oo qaar badan oo ka mid ihina aaney abidba arag dhulka hiddaha u leh dhaantada, waxaa dadka dadaalladaa gacanta ka geeysta ka mid ah Nuur Maxamed Cali Nuur Caraale oo loo yaqaanno ”Nuur Caraalle”.

 

Hadalsame Media