DAAWO: ”Somalia iminka waxay yeelatay siyaasad & dhaqaale” – Falcelinta Somaliland ee carcarta DF Somalia

0

(Hargaysa) 17 Luuly 2019 – Waxaa beryahan woxoogaa diirranayd siyaasadda DF Somalia & maamulka gooni u goosad doonka ah ee Somaliland, wixii ka dambeeyay booqashadii uu MW Biixi Gini ku tegey iyo xoolo ay Sucuudigu shuruud ku xireen oo lagu eedeeyay DF Somalia.

Haddaba, Mustafe Baaruud oo ah aqoonyahan yaqaanna Xiriirka Caalamiga ah ayaa hilinka Saab la sameeyay falanqayn ku aaddan arrimahan.

”Dowladda Somalia iminka waxay heshay dhaqaale iyo siyaasad, sidaa darteed, dowladda Somalia waxay faragelin karaysaa waxyaabo badan oo aan awal la taaban jirin!” ayuu yiri Mustafe.

Mustafe ayaa sheegay in Somaliland ay yara liicinayso siyaasadda gudaha oo la isku hayo iyo dagaal siyaasadeed oo dhanka dibedda ah oo ay wajahayso, sida uu yiri.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media