Soomaalidu URSULA oo kale ma u ogolaan lahayn in iyadoo xirfad caafimaad leh ay xilkan qabato?!! (Fadlan akhri)

0
German Ursula von der Leyen talks to journalists during a news conference following her election as new European Commission President at the European Parliament in Strasbourg, eastern France, Tuesday, July 16, 2019. (AP Photo/Jean-Francois Badias)

(Hadalsame) 18 Luulyo 2019 – Hooyo dhashay 7 caruur ah, oo ah dhaqtar dumar (gynaecologist) ayaa noqotay wasiirka gaashaandhiga Jarmalka. Mudo 6 sanno ah ayey xilkaa heysay waxaana shalay loo doortay madaxweynaha midowga Yurub waxeyna xafiiska la wareegeysa bisha November.

Ursula von der Leyen waxey sidoo kale horey usoo noqotay wasiirka haweenka iyo dhalinyarada jarmalka. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ayey sidoo kale noqotay. Waa 60 jir waxey baratay caafimaadka, waxey kaloo baratay dhaqaalaha.

Soomaaliya hadii la yiraahdo umulisada xaafadda ayaa wasiirka difaaca laga dhigaya waa la kala cararayaa. Qaar baa dhihi lahaa islaanteyda ayeyba sakiintii ku jeexi weysay ee maxey dalka u qaban kartaa.

Guulaha Ursula von der Leyen waxaa laga qaadan karaa inuusan taqasusku qofka xanibin iyo inaan la sahlan awoodda dumarka.

Waxaa Diyaariyay: Cabdullaahi Cismaan Faarax

Hadalsame Media