”Dowladda ba’day ee aad sheegaysaa waa middaad adigu hoggaamiso!” – Hillary Clinton oo u hiillisay Ilhaan Cumar!

0

(Washington, DC) 17 Luulyo 2019 – Madaxwaynaha Maraykanka ayaa weerar cunsuri lagu tilmaamay ku qaaday afar gabdhood oo aanu midkoodna cadddaan ahayn, kuwaasoo uu ku yiri: ”Ku laabta dalalkiina musiibada ah ee aad ka timaadeen haddii aad Maraykanka dhaliilaysaan!”.

Afarta gabdhood ee ka tirsan Koongarayska ee uu Donald Trump u sheegay inay ku laabtaan ”meesha ba’day ee ay ka yimaadeen” ayaa iyaguna qabtay shir jaraa’id oo ay ugu jawaabayaan, iyagoo sheegay inaysan bareeg u qaban doonin warkiisa.

Waxaa haddaba aad loo dhaleeceeyay warka Trump oo lagu tilmaamay mid aan u qalmin madaxwayne Maraykan ah iyo mansab u dhow toona.

Waxaana dadka aadka u dhaliilay ka mid ah Marwadii 1-aad ee Maraykanka, sidoo kalena ahaan jirtey Wasiir Dibadeedka Maraykanka ee Hillary Clinton oo warkiiba isaga ku geddisey.

Waxay Hillary Twitter kusoo qortay sidatan: ”Waxay kasoo jeedaan Maraykanka, hal arrin ayaadna runta ka sheegtay: Dowladda haatan ka talisa Maraykanku waa musiibo dhamaystiran.”

Warkan ayuu Trump si toos ah ula jeedey dalka Somalia, isagoo maalintii hore duur xul dusha ka furan ku sheegay, balse maalintii 2-aad si caadi ah ugu dhawaaqay magaca Somalia oo uu ku tilmaamay ”dal iyo dowlad fashilan.”

Hadalsame Media