SAWIRRO: Matthijs de Ligt oo yimid goobta uu caafimaadka ugu marayo kooxda Juventus

0

(Torino) 17 Luulyo 2019 – Matthijs de Ligt ayaa haatan xarunta uu caafimaadka ugu marayo kooxdiisa cusub ee Juventus ee J-Medical kahor inta aanu saxiixin qandaraas ku kacaya €75m oo euro oo uu kaga yimi Ajax.

De Ligt ayaa xalay xilli dambe kasoo degey magaalada Torino, isagoo caafimaadka kaddib saxiixi doona qandaraas uu Bianconeri kula joogayo 5 sanadood oo uu sanadkii ku qaadanayo €7.5m iyo €4.5m oo ah bareemiyo dheeraad ah.

Laacibkan daafaca ah ee 19-jirka ah ayay Old Lady muddo dheer ka daba ordaysey, kaddib markii ay kooxda ka tegeen gaashaamada Andrea Barzagli iyo sidoo kale Martin Caceres.

Kooxda Dameer Farowga ayaa laacibkan ka dul qaadday kooxaha Paris Saint-Germain, Barcelona, Manchester United iyo Bayern Munich oo muddo cagta cagta ugu hayay laacibkan oo waloow uu yar yahay ahaa hoggaamiyaha Ajax.


Hadalsame Media