IS XISAABIN SHAKHI AH: Marka aad gefsan tahay GARWAAQSO oo garowso GEFKAAGA!

0

(Hadalsame) 17 Luulyo 2019 – Nin musawirle ah oo la oran jiray (Ferdinando Warin) wuxuu ku isticmaalay dariiqadan si uu kasbado qalbiga nin gate ah oo camal xumaa. Waxaanu yiri (Warin) isagoo werinaya qisadii sidatan:

Waxaa habboon marka la sameeyo musawirada ku saabsan ogeysiisyada iyo waxyaalaha faafinta loogu tala galay in aad loo dhawro. Laakiin nin madaxdeyda ahaa wuxuu jeclaa inuu baaro gafafka musawirarafda aan sameeyo, wax badan baan kabaxay xafiiskiisa anigoo ka lalaboonaya dariiqaada uu wax u canaanto foolx xumadeeda darteed.

Waxaa dhacday inaan maalin u keenay musawiro uu iga codsaday inaan u sameeyo, markaan ka tegay kadib wuxuu igu wacay taleefoon, markaan u imid wuxuu ii weydiiyey si qalafsan sideed ugu dhacday gafafka caynkaas iyo caynkaas ah, intaan isku celiyay caradii ayaan isku dayay inaan jitaabiyo mabda’a is dhaliilka.

Markaasaan iri: Mudane, haddii arinku yahay sidaad sheegtay anigu waan gafsahahay, wax cudur daar ahna ma jiro, waan ka xumahay inaan gafkaa ku dhaco, waxaan wax sawiri jiray muddo dheer oo ku filan inaan si fiican u barto fanka sawirka aniga waan isku xishoonayaa, waxaan la amakaagay markaan arkay ninkii oo naftayda difaacaya isagoo leh: adigu jid baad leedahay, laakiin waa gaf fudud oon dhibaato lahayn.

Waxaan ku iri: qalad kasta wuxuu keeni karaa dhibaato weyn, waxaana waajibku ahaa inaan la imaado dadaal dheeraad ah. waxaana waajibku ahaa inaan la imaado dadaal dheeraad ah. Wuxuu guda galay inu wato hadalkii. Balse uma suurto gelin waxaan ku raaxaysanayey markii iigu horaysay inaan la hadlo ninkaan waxaan dhaliilayay naftayda.

Waxaan macaansanayey anigoo leh waxaa waajibku ahaa inaan foojignaado. Waxaad ii suuro gelisay fursada shaqada iyo kasabka. Waxaad jid iigu leedahay inaan xooggayga isku geeyo musawirada aan kuu keenayo, sidaas darteed waxaa waajib ah inaan dib ula noqdo si aan mar dambe u soo sawiro. Markaasuu diiday oo yiri ; maya maya ! Kuma so dhicin qalbigayga inaan dhib kuu gaysto markaasuu ammaanay kartidayda wuxuuna ii caddeeyey in loo baahan yahay beddelaad fudud.

Waxaan isku khasbay maalintaas anigo isugu geeyey xoogaygii inaan naftayda dhaliilo intaan is daafici lahaa.

Run ahaantii doqon kasta waayeeli karaa inuu difaaco gafafkiisa doqonimada ah, weliba dabaaladda badankooda sidaasay sameeyaan, laakiin inaad garwaaqsato gafkaaga waa jidka ku gaarsiinaya inaad kor uga baxdo darajooyin dadka korkiisa ah iyo dareen horukac iyo xilkasnimo ah.

Buugga: how to win friends

Waxaa Diyaariyay: Dr Samiir Cabdi Casiis

Hadalsame Media