Sababta dacwadda Soomaaliya ee soohdinta badda iyo nuxurka diidmada Kenya (Xog shiilan)

0

(Hadalsame) 17 Luulyo 2019 – Bisha Sebtember 2019 waxaa loo ballansan yahay dhegeysiga dacwadda soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Ballantu waa Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda, ICJ, oo ku taalla magaalada Hague. Soomaaliya ayaa dacwadda u gudbisay Maxkamadda. Kenya waxay berigaas ku doodday in aan Maxkamaddu soo faragashan labada dal oo ay iyagu wadahadal ku dhammeystaan arrintooda.

Bishii September ee 2016 ayay Maxkamaddu afar maalmood dhegeysaneysay Kenya oo fasireysa sababta ay tahay in Maxkamaddu aanay qaadin dacwadda iyo Soomaaliya oo sababeyneysa waxa aan labada dal uga fursaneyn Garsoorka Maxkamadda.

Aniga oo ku magacaaban Danjiraha Soomaaliya ee Qarammada Midoobay ayaan ka mid ahaa Ergada Soomaaliya ee goobjoogga ahaa. Halkaan waxaan kuugu soo koobay afar qormo oo ay Soomaaliya iyo Kenya ay isugu jawaabayaan oo aan berigaas diyaariyay. Waxay kuu sahli karaan fahamka billowga dacwadda.
Afarta Qormaba isla boggan ayaad ka heleysaa. Cinwaanka kasta oo aad dul istaagto dhag ayaad siin kartaa si aad u akhrisato qormada oo faahfaahsan.

Qormada Koowaad

Maxkamadda Caddaaladda oo dhegeysatay Kenya

Jimce, 23 Sebtember 2016

Kenya waxay ku eedeysay Soomaaliya in ay qaadatay Istaraateejiyad ay isku-diidsiineyso Is-afgaradkii la saxiixatay Kenya. Mar waxay Soomaaliya ku doodday ayay tiri in aan Wasiirkaa saxiixay aanuu haysan Is-afgaradku aanuu u haysan oggolaasho. Taas waxaa beenisay ayay tiri in la helay warqad lagu siiyay oggolaasho. Mar kale Soomaaliya waxay ku doodday ayay tiri in Baarlamaanku uu waxba kama jiraan ka soo qaaday Is-Afrgaradka. Taas waxaan haynaa ayay tiri Kenya dooddii baarlamaanka ka dhacday oo dhan oo la qoray kelmad kasta oo maalintaas laga yiri Baarlamaanka. Kuma jirto doodda wax muujinaya in waxa ku qoran Is-Afgaradku ay yihiin khalad.

Qormada Labaad

Jawaabta Koowaad ee Soomaaliya

Talaado, 20 Sebtember 2016

Paul Reichler wuxuu sheegay in heshiiskan oo ay diyaarisay Norway ay marka hore kala hadashay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, ka dibna ay Soomaaliya codsatay in cinwaanka wax laga beddelo. Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenku wuxuu email uu u diray Danjiraha Norway uga mahadceliyay in ay qabatay howl uu yiri waxay ahayd in aan annagu qabsanno. Waxaa la soo bandhigay email uu diray Ra’iisal Wasaare-ku-xigeenku.

Qormada Saddexaad

Weedha ugu dambeysa diidmada Kenya ee Hague

Khamiis, 22 Sebtember 2016

Payam Akhavan oo u doodayay Kenya wuxuu yiri Qareennada Soomaaliya wax badan ayay ka hadleen ayuu yiri, laakiin waxay ka meermeereen in ay ka jawaabaan su’aasha ugu muhiimsan ee Maxkamadda hortaalla.  Is-Af-Garadka (MoU) ay Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen 2009 macno ma xambaarsan yahay mise maya?

Si macnaha MoU-da loo fahmo, khasab ma ahan ayuu yiri in lagu takhususo Qaanuunka Heshiisyada. Wuxuu si gooniya u daba galay Prof. Pellet oo Talaadadii u dooday Soomaaliya. Wuxuu ku tilmaamay in uu doonayo in macnaha MoU-du ay leedahay uu keliya ku soo koobo cinwaankeeda.

Garyaqaanka Kenya, Githu Muigai wuxuu Guddoomiyaha Maxkamadda iyo xubnaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda uu u soo jeediyay codsi ay Kenya qabto:

Jamhruiyadda Kenya waxay si sharaf leh ay Maxkamaddu uga codsaneysaa in ay ku dhawaaqdo in kiiska Soomaaliya ay soo gudbisay ee Kenya ka dhanka ah uu yahay mid aan Maxkamaddaan khuseyn, aanay aqbaleyn oo uu yahay waxba-kama-jiraan.

Qormada Afraad

Wakiilka Soomaaliya: ICJ ha Diiddo diidmada Kenya

Jimce, 23 Sebtember 2016

Waxaa hadalka furay Prof. Pellet asaga oo ka jawaabaya Qareennada Kenya sida ay u fasireen MoU caanka noqotay ee 2009 ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya.

Prof. Pellet wuxuu ku tilmaamay in qareennada Kenya ay MoU 2009 ka yeersiinayaan wax aan ku qorneyn. Waana xadgudub ay Maxkamadda ku sameyneyaan, ayuu yiri, in ay isku dayaan in qoraal hor yaalla uga sheegaan wax aan ku qornayn.

Paul Reichler ayaa sheegay hadalladii uu isagu Maxkamadda ka jeediyay wareeggii koowaad in ay Qareennada Kenya hadda aqbaleen ama ugu yaraan aanay dood ka hor imaaneysa aanay bixin sidaa darteedna looga talo geli karo in sidooda ay u aqbaleen.

Wuxuu taxay toban qodob oo qaanuuniyan muhiim ah oo uu sheegay in uu ku jeediyay jawaabtiisii wareegga koowaad. Taas oo Kenya ay fursad u heysatay in ay riddiso markii ay sameyneysay soo jeedinteedii wareegga labaad. Mid ka mid ah tobankaa qodob oo ay diideen ma jiro.

Mona Sharman oo iyaduna dood dheer jeedisay ayaa ugu dambeyn soo jeedisay codsiga Soomaaliya ee ugu dambeeya.

Waxay Maxkamadda ICJ ka codsatay in ay diiddo diidmada hordhaca ah ee Kenya oo ay furto dacwadda Soomaaliya ay soo gudbisay ee ka dhanka ah Kenya.

Waxaa Diyaariyay: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media