Wadaadada & moowjadaha gaagaaban ee ay qaarkood ka hadlaan! (Sheeko dhab ah)

0

(Hadalsame) 15 Luulyo 2019 – In kastoo Cabdiraxmaan yaraantiisii la geeyey dugsi quraan, haddana ayaamaha nolosha iyo maciishad raadiska ayaa xoogaa la dheeraday oo in muddo ah ayaa laga badsaday masaajidda iyo dhegeysiga duruusta diiniga ah. Markuu dhawr iyo labaatan jirey ayuu is yiri is daba qabo oo salaadana bilaw, waqtigaaga qaarkiisna, masaajidka xaafadda duruusta ka socota, wax kaga baro.

Mashaakilada Soomaali haysta Cabdiraxmaan kuma cusba oo isagaaba in dhawr sano ah dhex boodayey oo af, maal iyo addinba ku taageerayey siyaasado uu gadaal ka ogaadey inaanay micne weyn ku fadhiyin. Hadda waa xalay-dhalay. Waa cusub ayaa u baryey, adduunyadii iyo noloshii ayaa muuqaal kale la yeelatay. Wuxuu isu arkay nin naftiisa iyo jiritaankiisa illawsanaa oo hadda dib isu helay, “Alla diintu macaanaa…” ayuu mar walba is yiraahdaa.

Waxaa aad u cajab geliyey, sharaxaadda quraanku adduunyada ka bixiyo. Wuxuu aad uga helay axaadiista nebigeennu (CSWS) sida ay u hagayaan qofka noloshiisa heerarkeeda kala duwan iyo xilalka ka saran qofka siduu u caabudi lahaa Ilaahiisa, ugu baari noqon lahaa waalidkiisa, ugu shaqayn lahaa naftiisa iyo tan ubadkiisa, u ixtiraami lahaa muslimiintoo dhan, wanaag ugula dhaqmi lahaa dadka aan muslinka ahayn hadday degaan la wadaagaan.

Fahamkaasi wuxuu bedelay Cabdiraxmaan hab-dhaqankiisii oo dhan. Wuxuu aad u jeclaaday dhegeysiga kutubta iyo duruusta ka socota masaajidka. Wuxuu kaloo aad u jeclaaday culimada akhrida kutubta oo Cabdiraxmaan in badan uu isku dayi jirey inuu ku daydo sida ay u dhaqmaan isagoo ay u muuqato in wadaadada socodkooda, fadhigooda iyo jiifkooduba ka turjumayo wixii kutubta ku yaallay.

Sannad iyo bar markuu Cabdiraxmaan dhegeysanayey duruusta oo ay aad wax ugu duxeen ayaa galab loogu yeeray qol yar oo masaajidka ku dheggan oo la yiri “hawl yar ayaa jirtee bal kaalay galabta”

Salaaddii casar haduu tukaday Cabdiraxmaan isagoon meelna ku leexleexan ayuu abbaaray qolkii lagu ballamiyey. Si habqan ah ayaa waxaa qolkii isugu yimi sideed qof oo u badan culimadii kutubta akhrinaysey iyo dhawr qof oo iyaguna wadaado ah.
Hadalkii markii la furfuray, waxaa Cabdiraxmaan ogaaday in fadhigu yahay gole loogu gar qaadayo saddex ka mid ah culimada kutubta u akhrida oo hawlo culus isku haya. Arintii la isku hayey markii la sheegay Cabdiraxmaan waa ka yaabay sida culimadi arrin sidaas u fudud isugu qabteen, laakiin wuxuu is yiri dhawr daqiiqo ka badan ma qaadan doonto “kutubtaaba laga helayaa xalka” ayuu is yiri.

Laakiin markii ay dooddu socotay ilaa 40 daqiiqo, Cabdiraxmaan wuxuu dareemay arrintii la yiri waa la isku hayey in laga fogaaday. Waxaa u muuqday in gartu aad u kulushahay, oo dooddu adag tahay oo aan hadalkaba la isa siinayn. Wadaadadu markay duruusta akhrinayaan Cabdiraxmaan waxaa ku adkaa mararka qaar inuu codkooda maqlo laakiin hadda qayladu aad bay u sarraysaa. Markay gartu saacad dhaaftay oo aan weli wax la isla meel dhigin ayuu Cabdiraxmaan damcay inuu wax ka yiraahdo, su’aal ayuu weydiiyey mid ka mid culimadii is haysay. Shiikhii jawaab aanu ku qancin ayuu si fudud u siiyey. Hadalkii waa sii adkaaday, meesha kama muuqan isu soo debec iyo is dhegeysi midna.

In cabbaar ah ayuu Cabdiraxmaan ka maqnaa hawada oo keligii isla hadlayey.
“Wadaadadu soow ma aha kuwii kuu sheegay in la is cafiyo inay fiican tahay, in muslimiinta malaha loo wanaajiyo, in la is jeclaado, in hadalka la wanaajiyo, inaan la xanaaqin, …?”
“Hadalada meesha looga hadlayo qaarkood soow maaha kuwii aad ku maqli jirtey golayaashii asxaabtaada intaadan masaajidka iman?”
“Soow maaha kuwii aad ka toobad keentay?”
“Xaggee wax iska qaban la’ yihiin?”

“illeyn wadaadadu mawjadaha gaagaabanna waa ka hadlaan.”

Mar keliya ayuu Cabdiraxmaan istaagay. Wuxuu u dhaqaaqay dhinicii irridda isagoon qofna la hadlin.
Wadaadadii ayaa dooddii joojiyey markay dareemeen kicitaanka Cabdiraxmaan.
“Maxaa jira Cabdiraxmaan?” ayaa la yiri.
Cabdiraxaan isagoo indhihiisa ilmo ka da’ayso, hadalkuna ku adag yahay ayuu wadaadadii dib u soo eegay.
“Dembigiina ma qaadi karo!” ayuu yiri isagoo ka sii baxaya irridda.

Aamus ayaa golihii hareereeyey. dhawr daqiiqo ah ayaa qof hadla la waayey.
Wadaadadii mid walbaa mar ayuu madaxa kor u qaaday, indho cusub ayey isku fiiriyeen, waxay ogaadeen in ay mawjad shaydaan dhex dabaalanayeen. Waxaa la illaaway meeshii hadalku marayey.
Waxay u ekaadeen qof ku riyoonayey riyo aan fiicnayn oo soo baaarugay oo garan waayey wixii u ku riyoonayey oo intuu cawdu billaystay dhinaca kale isu geddiyey.
Qof walbaa si gaar ah ayuu hoos isugu canaantay. Waxaa la wada sugay qof “ma is cafinaa” yiraahda.

Dooddii saacadaha socotay dhawr daqiiqo ayaa lagu soo af-jaray oo oo la isu cafiyey la isuna laab-qaaday.
Wadaadadii maalintaa waxay korosadeen cilmi badan. Dadku waa gefi karaan laakiin diintu wa saafi. Qof kastoo wax barta waxbaa u dhiman, laakiin diintu waa kaamil. Waxaa meesha ka caddaatay in Ilaahay loo siman yahay. Qof lama weyneeyo ee waxaa la weyneeyaa sharciga qoran.

Cabdiraxmaan wuxuu ogaaday inaan culimadu kitaab ahayn. In ay dhici karto inaan aqoonta iyo dhaqanku is raacin oo qof aqoon leh uu dhaqanka gaabis ka noqon karo.

FG: Sheekedu waa dhacdo run ah oo aan joogey oo aan qoraal u rogey.

Hadalsame Media