”Waxaad tahay Madaxwaynaha ugu saxalsan!” – Ilhaan Cumar oo Trump u jawaabtey.

0

(Washington, DC) 14 Luulyo 2018 – Xildhibaanadda ku jirta Aqalka Wakiillada ee Ilhaan Cumar ayaa usoo jawaabtey Donald Trump oo weerar aflagaaddo ah ku qaaday iyada iyo dalka ay kasoo jeeddo ee Somalia.

Ilhaan ayaa Twitter-ka kusoo qortay: ”Ka xubin ku jira Koongarayska ahaan, dalka qura ee aannu u dhaarannay waa Maraykanka. Waana taas sababta aannu ugu dagaallamayno inaannu ka ilaalinno Madaxwaynaha ugu xun, ugu musuqsan uguna sirgaxan ee aan abid aragnay.” ayay tiri.

”Waxaad cabaysaa caddaannimo waana sababta aad uga caraysan tahay in aannu ku jirno Koongarayska oo aannu la dagaallamayno qorshahaaga nacaybku ka buuxo. Jawaabta Maraykanku u hayo ninkaaga bilaa dulqaadka ah waa kala duwanaanta oo ah midda ay ka shidaal qaadanayso xorriyadda diimeed ee aannu dhaqanka u leennahay.” – ayay raacisay.

Hadalsame Media