ISKA JIR! Maraykanka oo uu ka bilowday tarxiilkii Sucuudiga oo kale

0

(Washington, DC) 14 Luulyo 2019 – Saraakiisha Waaxda Socdaalka ayaa bilaabay inay qaadaan weerarro ay kusoo qabanayaan kuna tarxiilayaan dadka aan haysanin iqaamadaha ama rukhsooyinka lagu joogi karo Maraykanka, iyadoo gaar ahaan la bartilmaameedsan doono ugu yaraan 2,000 oo qofood oo sharci la’aan ah oo dalkaasi ku firirsan.

Weerarrada oo diriadda saari doona dadka dhowaan Maraykanka soo galay ayaa u badan magaalooyinka Atlanta, Baltimore, Chicago, Denver, Houston, Los Angeles, Miami, New York iyo San Francisco, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Socdaalka.

Magaalada New Orleans oo horay liiska ugu jirtey ayuu maamulkeedu soo tweet gareeysay in Waaxaha Socdaalka iyo Kastamada ay kala hadleen in la hakiyo howlgallada laga sameeynayo goobaha ay ku dhufatay duufaanta Tropical Storm Barry.

Booliiska Waaxda Socdaalka iyo Kastamada ee ICE ayaa durba howlgalladan bilaabay, iyagoo xitaa guryaha garaacaya.

Hadalsame Media