Maxay yihiin gantaalaha S-400? Muxuuse Maraykanku uga walaacsan yahay inuu Turkigu iibsadey?!! (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 14 Luulyo 2019 – Asbuucii hore, afhayeenka Pentagon-ka Lt. Col. Mike Andrew ayaa yiri “Turkiga looma oggolaan doono in ay labada qalab isku haystaan. Dabcan waxa uu u la jeedaa S-400 iyo F-35. Halkan ka eeg qaybtii 1-aad…

Washington waxa ay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulaysaa sidii ay Ruushka uga horjoogsan lahayd in uu galaangal u yeesho farsamada casriga ee hubkeeda, balse Maraykanku waxa uu aad ugu tiirsan yahay Turki oo ah widaay muhiim ah oo uu ku leeyahay gobolka waayo Turkigu waxa uu ku yaalla goob Maraykanka istaraatiiji u ah waxa uu na xudduud la leeyahay Ciraaq, Iiraan iyo Suuriya.

S-400 halis ma ku yahay F-35? Hadda maya (sida uu qabo qoraha qormadu). Sahamo hore waxa ay sheegeen in raadaarka S-400 uu F-35 ka ka qaban karo fogaan 20 mayl ah, balse F-35 waxa ay fulisaa weerar cir-ka-dhul ah fogaan jirta 40 mayl taas oo ay S-400 ku burburin karto.

Saraakiisha Maraykanku waxa ay ka walaacsan yihiin in labada qalab oo isku meel yaallaa ay Ruushku ka baran karaan wax badan oo saabsan awoodda raadaar ka dhuumashada ee F-35. Khubarada hubku waxa ay qabaan in S-400 iyo F-35 oo isku keel la dhigo ama isku soo dhawaada ay Ruushka ka caawin karto horumarinta awood ay si fiican ugu ogaadaan raadaarka diyaaradda Maraykanka.

Dhaata badan oo milkilayaasha iyo hawlwadeennada S-400 ay F-35 ka helaan waxa ay u sahli kartaa in ay ogaandaan meelaha ay ka jilicsan tahay F-35. Maxay Maraykanku ku gooddiyeen? Saraakiisha Maraykanku waxa ay horay ugu gooddiyeen in ay joojin doonaa daabbulida F-35 ay Turkiga u daabbulayaan iyo soo rogidda cunaqabatayn dhaqaale oo Turki ka dhan ah ayaga oo cuskanaya xeerka Countering America’s Adversaries Through Sanctions Act. Bishii April na Pentagon-ku waxa uu ku dhawaaqay in uu joojinayo ka qaybqaadashada Turkiga ee barnaamijka lagu tababarayo duuliyayaasha Turki ilaa Turkigu ka ogggolaanayo joojinta iibsiga S-400.

Balse shirkii G20 ee Japan ka dhacay bishii hore, madaxweyne Trump waxa uu eedda muranka Turki iyo Maraykan dusha ka saaray maamulkii madaxweyne Obama asaga oo yiri, “runtii khaladka Erdogan ma lahan.” Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan rumaysnayn in Maraykanku cunaqabateeyo Turki arrinkaan dartiis.

Sharcidejiyayaasha labada dhinac (Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga) ee maraykanku waxa ay ka soo horjeesteen in Turki isku haysto S-400 iyo F-35. Sidee Turkigu ku difaacay go’aankiisa uu ku soo iibsanayo S-400? Erdogan waxa uu sheegay in helidda hubka Ruushku uu la jaanqaadayo madaxbannaanida Turki iyo xaqa ay u leedahay in ay nafteeda difaacdo. Bishii hore, Erdogan waxa uu Maraykanka u soo jeediyay aysan oggolaan in iibsiga S-400 uusan burburin xiriirka xooggan ee u dhexeeya labada dal.

“Waa in ay si gundheer uga fiirsan, waayo luminta dal Turki oo kale ahi ma ahan mid sahlan,” ayuu Erdogan yiri, asaga oo Washington u duurxulaya. “Haddii aan nahay saaxiibbo, haddii aan naxay widaayo istaraatiiji ah sow ma ahan in aan arrimaha dhexdeenna ah xallinno.” Turkigu waxa ay sheegeen in ay kala fogaynayaan qalabka Ruushka iyo Maraykanka si ay Ruushka uga ilaaliyaan gacma-gacmaynta qalabka Maraykanka. Erdogan waxa uu yididiillo ka muujiyay in Trump ka dulboodi doono cunaqabataynta Congress-ka Maraykanku Turki saarayo.

“Waxa aan si waadix ah oo laab furnaan ah u oranayaa xiriirka aan Trump la leennahay waxa uu joogaa meel aan oran karo waa meel fiican,” ayuu Erdogan yiri. “Markii arrini soo siyaaddo si degdeg ah ayaan taleefanka ugu ugu shaqaynnaa,” ayuu sii raaciyay. Maxay NATO arrinta ka tiri? Jimcadii, sarkaal NATO ah ayaa Washington Post u sheegay in xulafadu ka walaacsan tahay raadka uu reebi karo go’aanka Turki ku soo iibsaday S-400. Ma dhici kartaa in dalal Turki ku daydaan? Dalalka hadda haysta S-400 waa cadowga Maraykanka.

Shiinaha, tusaale ahaan waxa ay haystaan hannaanka S-400. Balse si la mid ah Turki, dalalka iibsada qalabka casriga ah ee Maraykanka ee haddana raba S-400 waa Hindiya oo dawladdeedu Maraykanka u xaqiijisay in ay S-400 soo gadanayso iyo Qadar oo ah xulafo kale oo Maraykanku leeyahay oo ayaduna muujisay danayn ay u haysto hannaanka difaaca cirka ee S-400.

Dhamaad

Waxaa Qoray: Adam Taylor (Washington Post)

Waxaa Tarjumay: Cali M. Diini

Hadalsame Media