Labada qarax ee Dhuusamareeb ka dhacay midkoodna maaha sidii la moodayay (Warkii ugu dambeeyay)

0

(Dhuusamareeb) 14 Luulyo 2019 – Waxaa soo baxaysa xog dheeraad ah oo ku saabsan laba qarax oo is xigtey oo goor dhowayd ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa awal la hadal hayay in qaraxa 1-aad uu gaystey qof naftii hallige ahaa, halka kan 2-aad wacaalkiisa la isku khilaafsanaa.

Yeelkeede, warka aannu haatan goobta ka heleeyno ayaa tibaaxaya in qaraxa 2-aad uu ahaa mid ay Ciidamada Amnigu ku qarxiyeen gasac ama daasad Caano Boore ah, kaasoo la dhigay meel wadada dhinaceeda ah oo xogtiisa heleen ciidamada oo ay war geliyeen dad ka ag dhowaa goobta shilka.

Dhanka kale wararkii u dambeeyey ee qaraxii hore ayaa sheegaya in waxa qarxay aanay ahayn qof naftii hallige ah, balse ay ahaayeen qarax dhulka lagu aasey, iyadoo qofka loo maleynayay in uu qarxeyna uu ahaa askari Booliiska ka ka Tirsan, sida uu noo sheegay weriye Cabdullaahi Warsame.

Ciidamada Amaanka ayaa haatan tillaabooyin dheeraad ah qaadaya si ay arrinta u xakameeyaan, waxaana lagu raad joogaa cidda dhagartan soo maleegtay oo magaalada laga raadinayo.

Wixii dheeraad ah nagala soco…

Hadalsame Media