Maxay yihiin gantaalaha S-400? Muxuuse Maraykanku uga walaacsan yahay inuu Turkigu iibsadey?!! (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 14 Luulyo 2019 – Dayuurad Raashiyaan ah oo sidday xirmooyinka qalabka hannaanka difaaca cirka Ruushku Sameeyo ee S-400 ayaa jimcadii cago dhigatay dalka Turkiga.

Waa tallaabo Pentagon-ku si adag uga soo horjeestay waxa ayna dhaawici kartaa xiriirka Maraykanka iyo Turkiga, iyo xulafada kale ee NATO. Muddo ayaa Washington Turki uga digaysay helidda qalabkan casriga ah ee Ruushku sameeyay.

Maraykanku waxa uu Turki ku soo rogi karaa cunaqabatayn dhaqaale oo adag, waxa uu na Turkiga dibedda ka dhigi karaa barnaamijyada millateri ee Maraykanka ee Turkigu qaybta ka yahay.

Kuwaani waa su’aalaha iyo jawaabaha sidee S-400 ugu gacangalay Turkiga iyo waxa xiga ee dhici kara:

Muxuu yahay hannaanka difaaca cirka ee S-400?

Waa gantaalo riddo dheer oo Ruushku sameeyo ahna dhul-ka-cir. S-400 waa mid ka ah qalabka ciidan ee Ruushku ku faro yaraystay kaas oo leh raadaar casri ah oo hawada sare wax ka dhagadhageeya iyo xirmo gantaalo ah kuwaas hawada sare si dhow uga ugaarsan kara kuna burburin kara diyaaradaha cadowga marka dhulka laga gano.

Madaxweynaha Turkiga Rejab Dayib Erdogan ayaa sheegay in uu doortay hubka Ruushka oo ku kacaya $2.5 bilyan waayo Maraykanku waxa uu gabay in uu Turki u soo bandhigo Beec macquul ah oo ay uga iibiyaan gantaalohooda daafaca cirka ee Patriot System.

NATO waxaa Turkiga u yaalla system-ka Patriot oo Suuriya darteed loo keenay, laakiin Turkigu weligood ma iibsan qalabka Patriot. Saraakiisha NATO ayaa walaac ka muujiyay iibsiga Turkiga ee S-400 waayo bay yiraahdeen ma ahan mid la jaabqaadi kara hannaanka difaaca cirka ee Patriot ee Turkiga yaalla.

Maxay tahay sababta Maraykanku uga soo horjeedo in Turkigu haysto S-400?

Waayo, Turkigu waxa uu horay Maraykanka uga dalbaday 100 dayuuradood oo ah F-35, ayada oo sharikadaha Turkiguna sameeyaan ilaa 1,000 qaybood oo ah kabka laga sameeyo F-35. Saraakiisha Maraykanku waxa ay ka cabsanayaan haddii Turkigu isku helo S-400 iyo F-35 in ay taasi Ruushka u sahlayso in ay helaan xogta iyo siraha F-35 kaddibna ay helaan gol-jileecooda (meelaha ay ka liidato diyaaradda F-35 ee laga beegsan karo).

Dhammaadkii bishii Maajo, Kathryn Wheelbarger oo ah sii hayaha Kaaliyaha Xoghayaha Difaaca Maraykanka ayaa tiri “S-400 waa hub Ruush oo loo sameeyay in uu soo rido diyaaradaha F-35 oo kale ah, marka waa wax aan macquul ahayn in Ruushku uusan fursad xog uruurin sireed ka qaadan F-35.”

La soco qayb 2-aad….

Waxaa Qoray: Adam Taylor (Washington Post)

Waxaa Tarjumay: Cali M. Diini

Hadalsame Media