HODAN NAALLEEYE: Hoggaamiyihii bilaa XILKA ahaa!!

0

(Hadalsame) 14 Luulyo 2019 – Muddo imminka laga joogo kun sano iyo dheeraad ayaa waxaa dhacday qiso taariikhda gashay. Boqorkii dowladdii reer banii Umaya ee la oron jiray Hishaan bin Cabdil-Malik ayaa maalin xaramka yimid, isaga oo ay hareer socdaan, ciidankiisii iyo madaxdii kale ee dowaladdu.

Boqorku waxa uu rabay in uu kacbada dawaafo, balse wuxuu la kulmay ciriiri, waxa uuna fursad u waayey dhagaxa madow. Goor boqorkii ciriiri iyo shiddo ku jiro, ayaa waxaa yimid Saynul Caabidiin. Dadkii mar kaliya ayey labo saf kala noqdeen. Jidkii waasac ayuu noqday, Saynul Caabidiin, wuxuu si fudud u dawaafay kacbadii.

Boqorkii yaxyax iyo amakaag ayaa ku dhacay. Hishaam wuxuu dhaxlay boqortooyo ay ku soo murxeen awoowgiis, aabihiis iyo waliba walaalihiis. Awoodii iyo saldanaddii karaamo ku waa. Wuxuu ku tiirsanaa awoodda qalalan, balse wuxuu ogaaday in cududda iyo carshiga kaliya aan jacaylka bulshada lagu kasban karin.

Kuwii la socday ayaa amakaag dartii is hayn waayey. War ninkani muxuu ahaa dadku ixtiraamayaan? Adigaba cidna kuma soo dhawayne? Boqorkii isaga oo is khaafinaya ayuu ku tiraabay, “ma garanayo”. Maanso yahankii waynaa ee Farasdaq ayaa ciil isla hayn waayey oo tix taariikhda gashay ugu jawaabay boqorkii. Wuxuu Farasdaq ku maansooday in ninkan uu inkirayo uusan isaga aqoonsi uga baahnayn, ee makhluuqa Ilaahay wada garanayaan, awoowgiisna yahay Nabi Muxammad CS. Waa tan qayb maansada ka mid ah:

وليس قولك : من هذا ؟ بضائره
العرب تعرف من أنكرت والعجم
هذا ابن فاطمة إن كنت جاهله
بجدّه أنبياء الله قد ختموا

Hoggaamintu sideedaba magac ma aha, kursi lagu fariistana waa ay ka gudo wayn tahay. Waxaa jira dad aan waligood xil loo dhiibin oo bulshada saamayn ku yeeshay, is beddel muuqdana la yimid.

John C Maxwell, waa khaabiir 72 sano jira. 47 sano oo uu cilmiga hoggaaminta darsayey iyo 70 buug ee uu qoray, waxa uu ku soo koobay in hoggaamintu sideedaba aysan saamayn ka soo harin.

Hoggaamintu waa adeeg, in aad bulshadaada u adeegtidna kuma xirna in xil lagugu maamuuso. Haddii aad doontid waxaad waraysan kartaa qoraaga caanka ah ee Robin Sharma iyo buuggiisa, “The leader who had no title”.

Laakiin, haddii aan meel dhow kaa tuso arrinka..waxaad u fiirsataa geerida iyo noloshii Hodon Naaleeye. Hodon waxay ahayd hoggaamiye is beddel doon ah. Hooggaamiye aan xil-hayn, haddana ka saamayn badatay kuwo kuwsi dartiid dhiig u qubay. Hadafku waa adeegga bulshada, si aad kaalintaada uga soo dhalaashidna uma baahnid in cid gaar ahi xil kugu rarto ama heeso laguu qaado oo lagu ammaano.

Casharka kale ee aan ka baran karno geerida Hodon ayaa ah, in khatar jirta darteed aan looga dhuuman masuuliyad ku saaran. Sideedaba geeridu waa wax aan la huri doonin, balse waxaa muhiim ah in aad iswaydiisid, maxaad doonaysaa in dadku kugu xasuustaan marka aad dhimatid?.

Haddii aad hal cashar kaliya ka qaadan kartid buugga “The 7 Habits of Highly Effective People”, ee uu qoray Stephen Covey, casharkaasi wuxuu noqon karaa in aad fahamtid wixii ay fahamtay Hodon oo ah in aad jawaab u raadisid su’aasha ah maxaan u noolahay? maxayse dadku igu xasuusan doonaan marka aan dhinto?

Steve Jobs, wuxuu lahaa falsafad cajiib ah. Isaga oo dhallinyaro ah ayuu garowsaday in aan geeri la huri doonin. Wuxuuna go’aan ku gaaray in uu maalintiisa uga faa’iidaysto, sidii iyada oo ay tahay maalintii ugu danbaysay dunida. Taas ayaana sabab u ahayd in caado ka dhigto in uu subax walba muraayadda hor istaago oo naftiisa waydiiyo: Tolow haddii ay maanta ahaan lahayd maalintii iigu danbaysay dunida, ma samayn lahaa waxa aan doonayo in aan maanta sameeyo? Falsafaddan ayaana u sahashay Steve in uu raad muuqda ka tago.

Hodon Naaleeye ayaa la mid ahayd, waxay noolayd nolosheeda, waxayna u noolayd sidii ay doonaysay. Waxay ku jirtay halgan, waxayna yeelatay saamayn wayn, quluubta bulshadana waxay kaga tagtay raad wayn. Ilaahow kuu naxariiso…. Aammiin.

Waxaa Qoray: Qaamuus Nuur Dirir

Hadalsame Media

Facebook Comments