DAAWO: Ma taqaannaa cabqariga jeebka ku ritey madaxda Carabta Khaliijka? (Halis cusub)

0

(Hadalsame) 13 Luulyo 2019 – Wiilka Jared Kushner oo ah mid kooxda la yiraahdo ”Muxaafidiinta Cusub” oo uu hankooda ku jiro in la abuuro wax la yiraahdo ‘Israel Wayn” ayaa u muuqda mid qaaday tillaabadii 1-aad.

Wiilkan uu sodogga u yahay MW Maraykanka ee Donald Trump oo uu ka qabo Ivanka Trump, ayaa durba jeebka ku ritey madaxda dalalka Khaliijka, isagoo dabada ka riixaya wax la yiraahdo ”Heshiiska Qarniga” oo maalin dhowayd lagu furay magaalada Maanama ee jasiiradda Baxrayn ah ayaa ku dhisan in Falastiin la baabi’iyo kaddibna loosoo jeesto sidii Carabta si toos ah loogu hoos keeni lahaa saamaynta Yuhuudda. Iminka waa si yara dadbane.

Dalalka Khaliijka ah ee durba u kaba gashaday fulinta hindisaha uu wiilkani shuclada u qaaday, balse ay rag waawayni hoos ka hagayaan sida ururrada ugu waawayn ee u qalqaalo taga qaddiyadda Sahyuuniyadda, waxaa ugu horreeya boqortooyooyinka Sucuudiga iyo Imaaraatka oo ay ka daadegtey inay wax kasta u sameeyaan sidii ay xukunka usii haysan lahaayeen.

Ra’yul caamka Israel ayaa iminka gaarsiisan heer ay ka dhaadhacday in Khaliijiyiintu ay iyaga u baahan yihiin ee aanay iyagu wax baahi ah u qabin xiriir ay la yeeshaan Khaliijka, iyagoo sameeyay sawir ah in halista qura ee gobolku ay tahay dalka Iiraan.

Waxaa aragtidaa Dijaaliga ah ee uu wiilkani horseedka ka yahay ku jirta in uu madaxdaa Carbeed ku qanciyay in ”horumar ay gaaraan uu kaga xiran yahay inay isaga iyo aragtidiisa isu dhiibaan.”

Halkan hoose ka daawo muuqaal arrintaa laga diyaariyay:

Hadalsame Media