DAAWO: Somaliland oo xaqiijisay in xoolihii ka dhoofay Berbera ay ku xayiran yihiin dekedda Jidda

0

(Jidda) 13 Luulyo 2019 – Waxaa ilaa shalay soo baxayay warar sheegayay in uu Sucuudigu xannibay xoolo ka dhoofay magaalada Berbera ee uu ka taliyo maamulka Somaliland.

Xoolahaa ayaa la sheegay in lagu xayiray dekedda magaalada Jidda kaddib markii ay maamulka halkaasi waydiiyeen inay sitaan shahaado caafimaad oo ay ku saxiixan tahay DF Somalia, taasoo horay loogu wargeliyay maamulka Somaliland.

Iminka ayuu Wasiirka Xanaannada Xoolaha Somaliland Xasan Gaafaadhi xaqiijiyay in dekedda magalaada Jidda ee dalka Sucuudiga lagu xannibay Markab siday xoolo, kaasi oo ka dhoofey dekedda Berbera.

”Xoolahaasi dib ugu soo noqon maayaan Berbera, qof Muqdisho rukhsad ka doonan karaana ma jiro.” ayuu yiri Wasiirka oo aan sheegin xal macquul ah oo arrintan lagu furdaamin karo.

Sababta Markabkan loo xannibay ayaa ah in aanu haysan shahaadada caafimaadka xoolaha ee dawladda Somalia.

Madax iyo ganacsato ku sugnaa woqooyiga Somalia ayaa horay u yaraystay shuruuddan iyagoo markii hore sheegay inay xoolo dhoofintaba joojinayaan maadaama aanay ”Somalia ka tirsanayn” sida ay sheegeen, markii dambena waxaa kasoo baxay xog ahayd in arrintaa ay u mareen Danjiraha Sucuudiga u fadhiya dalka Kenya.

Hadalsame Media