”Waxaa jirta dayacaad & kala daadsanaan!” – AAW oo 3 qodob kusoo koobay waxa khaldan

0

(Muqdisho) 13 Luulyo 2019 – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay guud ahaan dhibaatada haysata dalka, gaar ahaan weerarrada ay gaysanayaan kooxda Al Shabaab oo shalay Kismaayo ku weeraray dad aan waxba ka galabsan.

Wuxuu soo qoray isagoo warkiisa qodobbaynaya: ”Soomaaliyey waa in aan dhabta wajahnaa, runtana isku sheegnaa. Wiilasha arxan iyo naxariis laawayaasha ah, waa beryana ileyska iyo iftiinka bulshada naga baqtiiya, qof kasta oo aayatiin leh adduunka dhaafsiiya, uur-kutaalo, murug iyo xanuun nagu reebaya, agoon, rajo iyo arruugnimaba ubadkeena baday, astaan qaran iyo ilayska ilbaxnimo kasta duminaya, waxey ku jiraan waa saddex qodob.

1- In ay daacad u yihiin waxa ay aaminsanyihiin, naf, hanti iyo waqti u hurayaan, har iyo habeenna u soo jeedaan. Ma aha dad dhalanteed ku nool, waxaa dhab ka ah waxey u dhimanayaan.

2- In ay haystaan hoggaan hagaya oo horgelaya , hormuudna ugu ah hamiga ay rabaan in ay hirgeliyaan.

3- Dayaca inta kale. Ma jirto awood kale oo si dhab ah uga soo horjeedda. Inteena kale waxaan nahay dad dayacan oo kala daadsan oo ruux waliba dantiisa gaarka ah u noolyahay oo aan dan guud si daacad leh uga shaqaynin, hoggaan horgala oo dhabta hormuud uga noqdana laheyn.

Waxaan u baahannahay in aan dhabta wajahno, garawsanno intaan geeri silac ah dhiman lahayn in aan duliga iska dulqaadno.

Wiilashan cirka kama iman, waa innagoo kale, awoodda ay sharta iyo ficilka shaydhaanka ku fulinayaan; aan wanaagga iyo khayrka isugu kaashanno, waan ka guulaysan karnaa ee qof walba waa in uu marka koowaad ku qancaa in aan silicaan lagu sii jiri karin, maalinta kastana si fudud Allaha u naxariisto lagu dhaafi karin haldoorkii bulshada.” ayuu kusoo af-jaray.

Hadalsame Media