Mooto Bajaaj sidata calanka Somaliland oo Muqdisho mushaaxaysa (Maxay ka baran kartaa Somaliland?)

0

(Hadalsame) 11 Luulyo 2019 – Weriye Amiin Y Khasaaro ayaa ka sheekeeyay arrin uu saakay kula kulmay magaalada Muqdisho isagoo ka hadlayana wuxuu yiri:

”Saakey waxaa soo raacay mooto Bajaaj oo uu ku xardhan yahay calanka Somaaliland, la yaab bay igu noqotey waxaan wadihii waydiiyey sababta mootada u surtey calanka Soomaaliland, isaga oo jooga Muqdisho?

La igama waalin si deggan buu iigu yiri: ”Saaxiib waa la kala ilbaxsan yahay waxaana aaminsanahy in dadka Soomaliyeed ay dhamaantood walaalo yihin, marka aan si wadajir ah uga hor tagno danleyeda ku qaraabata Federaalka!”

Maamulka Somaliland ayaa marar badan dad badan loo xiraa Xorriyadda Ismuujinta (Freedom of Expression), sida xitaa dhar uu qof ku lebbistey oo muujinaya midabbada calanka Somalia, halka Muqdisho oo diiddan in dalku kala go’o aan cidna lagu qabsanin ra’yigiisa shakhsiga ah, taasoo ah sida saxda ah ee uu Ilaahay qofka xaq ugu siiyay inuu si xor ah u noolaado oo aan lagu caburin wax aanu doonaynin.

Sabab? Waayo waxaa nafsi ahaan la ogaadey in qofka aan muddo dheer lagu xukumi karin wax aanu raalli ka ahayn (coercion), waayo qofku wuxuu xukunkaa diidi doonaa marka ugu horreeysa ee uu fursad u helo inuu diidi karo waana sababta dowlado badani u dheceen sida tii caskariga ahayd ee Somalia.

Taa biddaalkeeda, waxaa umad si ruuxi ah loogu xukumi karaa ogolaansho (consent) iyo ogaanshiyaha inay iyagu dan ku leeyihiin nidaamka u talinaya, sidaa darteed, qofku isagaa markaa xoog iyo xoolaba u quuraya inuu nidaamkaasi hana qaado.

FG: In dadka loo diido sheey, waxay dadka jeclaysiisaa sheeyga laftiisa.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media