DAAHA GADAASHIISA! Wasiirro uu Deni soo diray oo ku fashilmay qorshe ay Khayrre u dejiyeen + Sawirro (Halkee aadey haatan?)

0

(Gaalkacyo) 10 Luulyo 2019 – Wasiirro ka tirsan maamulka Puntland ayaa dhaleecayn u jeediyay booqashada RW Xasan Cali Khayrre uu ku tegey dhanka woqooyi ee magaalada Gaalkacyo oo ah daanta ay xukunto Puntland, iyagoo booqashadiisa ku tilmaamay mid ”foowdo ah oo aan marin jadwalkii ay u dejiyeen.”

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa sheegay in Khayrre uu dhegaha ka furaystay qorshe ay u dejiyeen sida inuu la kulmo isimo. ”Waxaan rabaa inaan dhallinyaro meel iigu diyaarsan dhex galo!” ayuu yiri RW ayuu sheegay Dhabanacad.

DAAHA GADAASHIISA

Xog gacan 1-aad ah oo lagu kalsoon yahay oo uu helay hilinka Hadalsame Media ayaa sheegaya MW Puntland Md Siciid Deni uu Garoowe kasoo diray wefdi uu hoggaaminayo wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad laftiisa, kuwaasoo qabey dardaaran ahaa in aan Raysal Wasaaraha loo ogolaanin inuu shacbi kula hadlo magaalada, balse taa biddaalkeeda hoos loo dhigo saamaynta booqashadiisa, iyagoo qorsheeyay in ay ka horgeeyaan odayaal iyo siyaasiyiin, halkaana lagu shameeyo.

Yeelkeede, wefdiga RW Khayrre oo uu sidoo kale la socdey Cabdiqani Jaamac oo hore u ayaa Wasiiru Dowaha Madaxtooyada Jubaland, haatanna ah Lataliyaha RW Khayrre ayaa arrintaa ganafka ku dhuftay, waxaana la sheegay in Jaamac uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay in uu Raysal Wasaaruhu la hadlo shacabka magaalada, isagoo ka faa’iidaysanaya sida ay shacabku ula dhacsan yihiin inay soo dhoweeyaan madaxda DF.

Waxay si cad Wasiirrada Puntland u sheegeen in xilligan ay kaliya doonayaan inay la hadlaan shacabka, isla markaana ay booqdaan goobo laga fulinayo mashaariic khuseeynaysa baahida dadwaynaha magaalada.

Deeto, jamaahiirtii magaalada ayaa u guuxdey aragtida wefdiga RW Khayrre waxayna ku adkaysteen inay usoo baxayaan wefdiga DF Somalia, iyadoo Wasiirrada si cad loogu sheegay in aan laga akhrisanaynin in ay iyagu wax u meeriyaan dowladdii dalka oo idil ka mas’uulka ahayd.

Wararka uu Hadalsame helayo ayaa intaa raacinaya in Wasiirradu ay markii dambe si caga jiid ah u aqbaleen inuu dhanka woqooyi usoo gudbo wefdiga Wasiirka 1-aad, isagoo sidaa dadwaynaha kula hadlay garoonka ciyaaraha Cawaale oo dhismihiisa la dhagax dhigay.

Wasiiraddii Puntland ee Garoowe ka yimid ayaa iminka shir jaraa’id oo ay qabteen ”nasiib darro ku tilmaamay” in RW Khayrre uusan raacin ”maqaam ay u diyaariyeen” sida ay sheegeen.

Shacabka Somalia ayaa muujinaya inay ku daaleen siyaasadaha ku dhisan kala qoqobka iyo iska hor keenka umadda, iyagoo muujinaya inay u baahan yihiin dowlad Soomaaliyeed oo dalka ka saarta duruufaha adag ee laga dhaxlay dowlad la’aanta.

Shacabka magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka woqooyi ayaa baraha bulshada ku muujinaya taageero ay u hayaan dowladda dhexe ee Federaalka ah Somalia.

RW Khayrre ayaa caawa ku hoyanaya dhanka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo oo ay ka taliso Galmudug, isagoo berri kasii aadi doona magaalada Dhuusamareeb oo uu dib ugu laabanayo.

 

Hadalsame Media