”Iska jira tillaabo khaldan!” – Turkiga ka jawaabey hanjabaadda Maraykanka

0

(Ankara) 11 Luulyo 2019 – Turkiga ayaa Maraykanka uga digey inay qaadaan wax ay ugu yeereen “tillaabo khaldan” kaddib markii ay Wasaarad Dibadeedka Maraykanku ay Ankara ugu gooddisey inay cawaaqibi jiri doonto haddii ay soo iibsadaan gantaalaha Ruush sameega ah ee S-400.

“Waxaannu Maraykanka ku casuumaynaa inuu ka fogaado qaadista tillaabo khaldan oo meesha ka saaraysa diblomaasiyadda iyo wada hadalka xiriirkana dhaawacaysa,” ayaa lagu yiri war kasoo fuley Wasaarad Dibadeedka Turkiga.

Warka Turkiga ayaa ka af celinaya mid hore oo kasoo baxay Washington oo Turkiga uga digayay inay sii amba qaadaan qorshaha ay kusoo iibsanayaan hannaanka daafaca cirka ee S-400 oo uu Maraykanku ku marmarsoonaya inuusan waafaqaynin hannaanka ay iyagu sameeyeen.

“Waxaa cawaaqibyada ka mid ah in Turkiga laga saaro ka qayb noqoshada barnaamijka F-35,” ayay tiri Afhayeenadda Wasaarad Dibadeedka Maraykanka Morgan Ortagus.

Waxay Turkiga xusuusisay xeer uu Maraykanku 2017 degsadey oo la yiraahdo Xeerka Cunaqabataynta Dadka Naga Horjeeda (Countering America’s Adversaries Through Sanctions Act), kaasoo loogu tala galay in lagu ciqaabo cid kasta oo “hub waawayn” kasoo iibsata Ruushka.

 

Hadalsame Media