Jacaylkii casri jaahiliga midkii ugu darnaa wuxuu ka dhacay Maka (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 08 Luulyo 2019 – Labadii is xigay iyo labadii is jeclaaba waqtiga ayaa ka la dhaqaajiyay. Iyada oo ilmaynaysa ayay Rasuulka u timid, wax ayna wayddiisatay in uu oggolaado in aanay la haajirin ee ninkeeda la joogto, Rasuulkuna farxaddeedii wuu u yeelay scw. Ogow oo waa intii aan weli Islaamku guurka diin ku xidhin, labadii walaalaheed ee ka yaryaraa ee Raqiya iyo Um Kulthuum waxaa ka la guursaday ilmo Abuu Lahab.

Mar kale in kasta oo aabbaheed iyo gacalkeedii kale oo dhami Maka ka dhammaadeen haddana nolol jacayl liibaan leh ayay ninkeeda ku la noolaayd. Laakiin Qureeshtii Maka oo dhami wax ay si walba u sameeyeen ninkaa u qaaliga ah ee ay jecel yihiin in ay ka furaan gabadha Maxamed (NNKH) dhalay, taas oo ka ahayd fogayn iyo rixin-goysnimo ay Muslinka iyo Maxamed (NNKH) u la dan lahaayeen. Laakiin Abuu Caas oo marwadiisa si xad dhaaf ah u jeclaa, is la markaana ahaa nin leh gobannimo qofeed iyo sharaf ilaalin weyn taladaa waa ay soo marsiin waayeen.

Wax ay u ballanqaadeen gabadha kale ee uu Carab ka xusho in ay siin doonaan, laakiin jacaylkiisa in la gu baayactamo wuu diiday. Isaga beddelkiisa ilmo Abuu Lahab labaduba waa ay fureen Raqiya iyo Um Kulthuum iyaga oo weliba si gunnimo leh u la dhaqmay.

Iyada oo jacaylkooda cid liicisa la waayay ayay mar kale arrin aad u weyni soo korodhay. Dagaalkii Beder ee reer Maka iyo reer Madiina is ku heleen baa dhacay, Zeynab aabbaheed iyo ninkeedii ay jeclayd buuna midba dhinac dagaalka ka ga jiraa.

Goobtaa birta la is ka aslay waa tii muslinku ku adkaadeen, halkaana Abuu Caas wax uu ka mid noqday raggii maxbuusnimada loo qabtay markii dambena madaxfurashada la gu xukumay. Zeynab oo awal welwel iyo murugo u dhammaadeen kolkii ay heshay warka ah in aan aabbaheed iyo ninkeedii midkoodna dagaalka la gu dilin iyada oo faraxsan bay u qalqaalo gashay in ay hesho madaxfurashada ninkeeda la ga doonayo.

Wax ay heshay oo dirtay silis qaali ah oo aad u qurux badnaa, kaas oo ay hadiyad u ga heshay hooyadeed Khadiija oo imika sannado sii mootan. Siliskii baa Badar la geeyay si Abuu Caas loo gu furto.

Dabadeed Rasuulka ayaa siliskii arkay oo gartay in uu yahay kii marwadiisa Khadiija ee uu aadka u jeclaa ee inantiisu dhaxashay. Xusuus adag baa dabadeed ku dhacday. Muslinkii buu arrinka u ga warramay, wax uuna wayddiistay in ay u oggolaan karaan siliska xusuustiisa qiimahaa u leh in ay u badbaadiyaan ninkan uu soddogga u yahayna is ka sii daayaan.

Si naxariis leh ayay iyaguna u ga yeeleen. Dabadeed Rasuulku (NNKH) Abuu Caas buu la gorgortamay. In la sii daayo siliskana loo celiyo isaguna goorta uu Maka gaadho Zeynab soo diro ayaa la is la qaatay. Waayo markii hijrada la gu ka la miirmay ka dib labada qolo diin ahaan is ma gayaan. Abuu Caas sida aynnu xusnay wax uu ahaa nin leh qofnimo gobeed iyo keni adayg, sidaa darteed wax uu ku khasbanaa in uu ballantaa oofiyo, wax uuna Zeynab u sheegay in ay reerkoodii iyo aabbaheed Madiina u gu tagto. Sidii bay noqotay.

La soco qaybta 3-aad…

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media