KHALAD WAYN: Deeqo Cabdullaahi CADAALAD bay Rabtaa!!

0

(Gaalkacyo) 10 Luulyo 2019 – Booliiska, in ay ilaaliyaan Xaquuqda Maxbuuska waa mid Waajib Dastuuri ah !!

Inta Baarista Eedaysanahu socoto wuxuu xaq u Leeyahey in lagu hayo Goob Nadiif ah !!

In uu caafimaad helo
In uu ehelkiisu la xiriiro
In meel amaan ah lagu hayo
In uu Helo qareen u dooda haddii uusan
Awoodin Dawladu u qabato qareen!!

Ayadoo la eegayo culeyska kiiska loo haysto Eedaysanaha/Eedaysanta waa in la dhawro Xuquuqda Qofnimo lab iyo dhadigba !!

Waxaa Booliiska xaaraan ka ah in La faafiyo Sawirada hoos idiin ka muuqda Eedaysanihii Ama Eedaysantii oo aan maxkamad lageyn weli, In kiiskeedi suuqyada laga helo !!

Waxaa kaloo mamnuuc ka ah In Jirdil Lagu sameeyo Eedaysanaha/Eedaysanta !!

Kiiska loo haysto Deeqo sida Booliska Galkacayo u Dhaqmayo oo uu ula dhaqmayo Eedaysantaa Dumarka ah waxay xaq u leedahey magdhaw !!

Waxaa la wax yeeleeyey mustaqbalkeedi iyo Sharafteedi ayadoo qiraal aheyd in haddana Inta Sidaan loo xiro, la bahdilo sharcigu ma qabo, Sawiradeedana Baraha bulshada lagu faafiyo Wax ay xaq u leedahey maaha !!

Sidaas Darteeed, waxaa dhici karta ama sida Ka muuqata muuqeeda in ay caafimaad ahaan u fiicneyn !!

Deeqo Cabdullaahi Cadaalad bay Rabtaa !!

FG: Faafiya si Fariintani u gaarto Booliiska!!

Waxaa Diyaariyay: Sayid Cabbaas