Dabeecaddan ma aragtay intii aad isticmaalaysey FACEBOOK?!!

0

(Hadalsame) 10 Luulyo 2019 – Dadka baraha ay bulshada ku kulanto adeegsada gaar ahaan Facebook-ga marka aad rabto in ay su’aal kaaga jawaabaan Su’aal ha weeydiin maxaa yeelay inta ugu badan ee isticmaasha Facebook-gu wey iska indha-tiri doonaan Su’aashaada in ay kaaga jawaabaan.

Balse waxaad adeegsataa Sharciga “Cunningham’s Law” kaasoo tilmaamaya inaad Su’aasha aad u baahantahay iyo jawaab qaldan aad ku qorto facebook-ga kadib ayaad helaysaa jawaabta saxda ah.

Sababtoo ah dadka adeegsada Facebook-ga intooda badan inay ku caawiyaan waxay ka jecelyihiin inay ku saxaaan oo ay iska dhigaan dad cilmi iyo aqoon leh. 

Sax mise khaldan?

Xigasho: Mustaf Awil Hassan