XOG SHIILAN: Maraykanka oo Kenya ku canaantay arrin ay ka samaysay gudaha Somalia (Laba Danjire Maraykan oo isku khilaafay….)

0

(Muqdisho) 09 Luulyo 2019 – Warar uu Hadalsame Media ka helayo ilo xog ogaal ah ayaa tibaaxaya in Maraykanku uu Kenya ku canaantay tillaabooyin ay ku dhaqaaqeen ciidamadeeda KDF oo qaab foowdo ah uga baxayay degaanno ka tirsan Jubbaland, gaar ahaan dhanka Gedo.

Danjiraha Maraykanka u fadhiya Somalia Md Donald Yamamoto ayaa la sheegay inuu si gaar ah ula xiriirey dowladda Kenya, isagoo sidoo kale arrintan lasoo qaaday dowladdiisa Maraykanka iyo saraakiisha sare ee AMISOM oo uu u sheegay in aan la aqbali karin in ay Kenya siyaasadayso joogisteeda Somalia oo haatan ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

DF Somalia ayaa la sheegay in ay iyaduna qorshe 2-aad arrintan u diyaarsatay iyadoo la hadashay dal lagu sheegay ”mid Somalia la saaxiib ah” oo sheegay in uu diyaar la yahay ciidamo bedela kuwa Kenya haddii ay baxdo.

Xogaha aannu helayno waxay intaa raacinayaan in Kenya ay dhaqdhaqaaqyadii joojisey markii ay ka war heshay labadan arrimood, iyadoo iska dhaadhicisay inay siyaasad ahaan u fiican tahay inay kusii gorgortanto meelaha yar ee ay Somalia ka joogto oo ay sidoo kale lacag badani kasoo gasho.

Dhanka kale Danjiraha Maraykanka u fadhiya dalka Kenya, Kyle McCarter, ayaa beri dhowayd soo jeediyay in Somalia iyo Kenya wada hadal ka galaan muranka badda ee u dhexeeya mar uu wareysi siinayay TV-ga Citizen ee Kenya, taasoo biyo ku sayrisay isku day uu wadey Danjiraha Maraykanka ee Somalia Mr Yamamoton oo wadey hindise ku saabsan in caadi lagu soo celiyo macaamilka labada dal iyadoo aan la taabanaynin kiiska yaalla Maxkamadda ICJ.

Hadalsame Media