Diiwaangelintii ciidamada Balamballe oo lasoo afjaray & degmooyinka xiga + Sawirro

0

(Galguduud) 09 Luulyo 2019 – Xafiiska Habraaca Diiwaan Galinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay soo gabagabeeyay Shaqo ka socotay Balamballe ee gobolka Galgaduud oo laga diiwaan galinayay laguna qarameynayay ciidamo cusub oo isugu jira Xoogga Dalka iyo Booliska Soomaaliyeed.

Dowlada Soomaaliyeed ayaa dhawaan ka daah furtay Qorshe lagu Qarameynayo cid kastoo hub heysata ama diyaar u ah in ay u adeegto Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed iyadoo horay loo diiwaan galiyey cutubyadii Ahlusunna ee Dhuusamareeb.

Xaafiiska Habraaca Diiwaan Gelinta ee Dawladda Faderaalka ayaa sidoo kale Balanballe ka diiwaan galiyay Gaadiid dagaal oo lagu wareejiyay Ciidamada Xoogga Dalka Somalia.

Degmooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq ayaa loo dhaqaaqayaa saakay si looga sii wado hawsha Xafiiska Diiwaan Galinta Maleeshiyaadka doonaya in la qarameeyo. ortaan Ciidanka Qalabka sida Taa oo Horseed u noqon doonta in la Xoreeyo Dalka oo dhan.

Waxaa Diyaariyay: Cabdifitaax Axmed

Hadalsame Media