Dani Alves oo koobkiisii 40-aad qaaday & laacib aadan filayn oo ka sarreeya + 10-ka sare & Sawirro

0

(Brasilia) 09 Luulyo 2019 – Laacibka Dani Alves ayaa habeennimadii Axadii isla geddiyay koobkiisii 40-aad ee uu qaado min heer qaran ilaa koox, kaddib markii uu Copa America ka faro maroojiyay kooxda Peru oo ay ku qaabileen gegada Maracana.

Dadabka midig ee Paris Saint-Germain ayaa muddo 18 sanadood ah ka dheelaya heerka 1-aad isagoo u saftay 5 kooxood oo kala geddisan – haba ku darin xulkiisa Brazil oo uu meteley 115 kulan oo heer caalami ah.

Alves ayaa waayihiisa ciyaareed ka bilaabay kooxda Brazilian-ka ah ee Bahia kahor intaanu usoo wareegin Sevilla sanadkii 2002-dii. Wixii intaa ka dambaysay wuxuu laacibkani bilaabay inuu koobabka iska sacabaysto.

WAAYAHA DANI ALVES.

Sevilla (2002-08): 

Copa del Rey — 2006-07

Supercopa de Espana — 2007

UEFA Cup — 2005-06, 2006-07

UEFA Super Cup — 2006

Barcelona (2008-16):

La Liga — 2008–09, 2009–10, 2010–11, 2012–13, 2014–15, 2015–16

Copa del Rey — 2008–09, 2011–12, 2014–15, 2015–16

Supercopa de Espana — 2009, 2010, 2011, 2013

Champions League — 2008–09, 2010–11, 2014–15

UEFA Super Cup — 2009, 2011, 2015

FIFA Club World Cup — 2009, 2011, 2015

Juventus (2016-17):

Serie A — 2016-17

Coppa Italia — 2016-17

PSG (2017-present):

Trophee des Champions — 2017, 2018

Coupe de la Lige — 2017-18

Coupe de France — 2017-18

Ligue 1 — 2017-18, 2018-19

Brazil (2006-present):

Copa America — 2007, 2019

Confederations Cup — 2009, 2013

1 – Hossam Hassan (41 koob)

Yeelkeede, waxaa jira laacib kale oo waa beentaa yiri waana jookarka reer Masar ee Hossam Hassan, kaasoo janjalka qabsaday 41 koob oo kala nooc ah muddo 20 sano ka badan oo uu dheelayay. Xulkiisa wuxuu Xasan u saftay 169 kulan.

Koobabka uu qaaday: Egyptian Premier League x14, Egyptian Cup x5, African Cup Winners’ Cup x4, Egyptian Super Cup x2, African Cup of Champions Clubs, Arab Club Champions Cup, Arab Cup Winners’ Cup, Arab Super Cup x2, CAF Champions League, UAFA Club Cup, Saudi-Egyptian Super Cup, Africa Cup of Nations  x3, All-Africa Games, Arab Nations Cup

Naadiyada: Al Ahly, PAOK, Neuchatel Xamax, Al Ain, Zamalek, Al-Masry, Tersana and El-Ittihad Alexandria

CaalamiEgypt (169 kulan)

LAACIBIINTA OO DHAMAYSTIRAN

1 – Hossam Hassan (41 trophies)

2 – Dani Alves (40 trophies)

3 – Ibrahim Hassan (37 trophies)

3 – Maxwell (37 trophies)

5 – Oleksandr Shovkovskiy (36 trophies)

6 – Andres Iniesta (35 trophies) 

6 – Lionel Messi (35 trophies) 

6 – Ryan Giggs (35 trophies)

6 –  Zlatan Ibrahimovic (35 trophies)

10 – Sir Kenny Dalglish (34 trophies)

10 – Vitor Baia (34 trophies)

Hadalsame Media