DHEGEYSO: Qaamuus cilmiyeed af-Soomaali ah oo Sweden laga soo saaray (Dadka uu aadka u anfacayo)

0

(Stockholm) 09 Luulyo 2019 – Qoraaga Cabdiqani Xasan Gaab ayaa soo saaray buug la magac baxay Haqabtire kaasoo ah qaamuus si gaar ah u daboolaya eray bixinno gaar ah, (terminology).

Qoraaga ayaa sheegay in uu qorshaha ugu jiro inuu sii ballaariyo buugga oo haatan ka kooban 190 bog, balse uu gaarsiin doono ilaa 250 bog, wuxuuna sharraxayaa waxa ku dhaliyay qoritaanka qaamuus khuseeynaya eray bixinno gaar ah.

Cabdiqani ayaa idaacadda Sweden laanteeda af Soomaaliga uga warramay buuggaasi, haddaba wuxuu bilowgiiba sharraxaya waxa uu yahay buuggani iyo micnaha magaca uu u xushay.

Waxaa waraystay oo warbixinta ka diyaariyay Maxamed Xaaji.

Hadalsame Media