”Dowladnimadu intaa BIIBTA ayay haystaa balse bareegba looma qabto!”

0

(Hadalsame) 09 Luulyo 2019 – Soomaalidu waxay ka mid tahay umadaha ay dowladnimadan casriga ihi ay dhowaangalka ku tahay, micnuhu ma aha in aysan Soomaalidu lahaan jirin hannaan is xukun iyo kala dambayn, balse waxay isu xukumi jireen habab qadiimi ah oo misna qabiili ahaa madaama uu qoysba kaligii meel deganaa.

Cabdulqaadir Diiriye oo ka mid ah dadka Soomaalida hoga tusaaleeya ayaa keenay tusaale cajiib ah oo muujinaya heerka ay kala taagan yihiin dowladnimada iyo Soomaalida, wuxu yiri:

”Suuqyada waaweyn ee waddamada Carabta qaarkood waxaa khasab ah in, si ammaanka loo sugo, la dhigo irrid sheegta qofka wax bir ka samaysan sita.

Laakiin dadka suuqa leh iyo shacabkuba diyaar uma aha adeegsiga irriddan. Sidii irrid caadi ah ayaa la dhex qulqulaa. Iyaduna intaas waa qaylinaysaa ‘biiiiib’.

Marka nidaam dawladnimo laga soo dhoofiyo Yurub oo la keeno waddan aan diyaar u ahayn inay qaabkaas isu maamulaan, sidaasaa dawladnimadu ‘biiiiib’ta ugu haynaysaa.”

Hadalsame Media