AC Milan oo aad ugu dhow laacibka Jordan Veretout – Corriere Fiorentino

0

(Firenze) 09 Luulyo 2019 – Sida ku qoran warqaadka kasoo baxa magaalada Firenze ee Corriere Fiorentino, waxaa si xoowli ah ku soconaya wada xaajood u dhexeeya maamullada AC Milan iyo Fiorentina.

Labada naadi, gaar ahaan Paolo Maldini oo ah Madaxa Farsamada Milan iyo Daniele Prade oo ah Maareeyaha Ciyaaraha Viola ayaa ka wada hadlaya laacibka khadka dhexe ee Jordan Veretout.

Laacibkan Faransiiska ah oo ay muddo daba socoto kooxda Milan kaddib markii uu codsaday macallin Giampaolo ayaa waxaa sidoo kale ku haysta kooxaha Roma iyo Napoli (kuwaasoo haatan dib u yara degey), waxaana la sheegayaa inuu laacibku haatan sugayo wicitaanka Milan isagoo ku sugan Moena oo ay kooxdiisu isku diyaarinayso si uu ugu wareego Milanello oo ay Milan maanta tababarka ka bilowday.

Dhanka kale, Calciomercato ayaa dhigaya in AS Roma ay lafteedu saacadihii yaraa ee tegey ay dib usoo laba kaclaysay iyadoo laacibka ula diyaar ah mushahar gaaraya 3 milyan oo euro sanadkii.

Hadalsame Media