Dalkii EEY baa cunay la iska yeeli maayo!

0

(Hadalsame) 09 Juun 2019 – Nin baa islaan mooryaan ah u dhiibtay 2 kiilo iyo bar hilib ah (2.5kg), wuxuuna ku yiri ” iisii haay hilbkaan waxaan ku soo tukanayaa masaajidka, weyna ka ogolatey. Markii uu salaaddii soo dhameystay ayuu ku soo laabtay islaantii si uu hilibkii uu u dhiibtay uga qaato. Islaanta oo malaha meel ay wax ka farsameyso la’eyd, aya fursad qaali ah u aragtay amaanadaas loo dhiibtay inay KU YAACDO.

Markii uu masaajidkii kasoo laabtey ayay waxay ku salaantay..HILIBKII AAD II DHIIBATAY BISADAN BAA CUNTAY.

Ninkii baa intuu boorso garabka u saarneyd oo uu miisaan ugu jiray lasoo baxay ,yaanyuurtiina soo qabtay, miisaankii saaray!. Culeyskii bisaddii uu miisaanka saray ayaa noqday 2.5kg.

Isagoon iska waalin ayuu intu islaantii xageeda u jeestay ku yiri….” DEE HADABA BISSADDII MEEDAY”?(ileyn hilibkeygii kaliya ayaaba ahaa 2.5kg, culeyskii bisadda aaway))??

Islaantii baa intey garowsatay,inaan ninkan xisaabtamaya,si sahal ah lagu DARDARI KARIN, lasoo booday,,”MAYA..EEN.. EEN..EEN MEY CUNINE, LAAKIINSE WEY CUNI GAARTEY”!!

Madaxda Soomaaliya hadaan lala xisaabtamin xisaabtan dhab ah, waxaa macquul ah inay damcaan inay shacabka ku samir siiyaan sheeko jilicsan, sida islaantaas, WAASE HADDII LAGA YEELO!

Shacabku waa inay la xisaabtamaan madaxda, lana yiraahdo DALKII (Bad iyo Berri) meeyay)??

Haddii kale waxaa macquul ah inay yiraahdaan EEY BAA DALKII CUNAY!!

Waxaa Qoray: Cismaan M Qanyare

Hadalsame Media