Maxaa ka jira in ay Somalia arrimaha badda kala xaajoonayso Kenya? (Ma kulan ayaa dhacaya?)

0

(Muqdisho) 08 Luulyo 2019 – Waxaa soo baxay warar sheegaya inuu 13-ka bishan Luulyo dhacayo kulan dhexmaraya MW Somalia Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dhiggiisa Kenya Md Ahuru Kenyatta, si looga xaajoodo arrinta dhul-badeedka ay Kenya damaacinayso.

Si aannu haddaba arrimahaa wax uga ogaanno waxaannu raadinay xogta warkan, anagoo la hadalnay ilo hoose oo ku dhow Madaxtooyada Somalia, kuwaasoo qayb ahaan noo xaqiijiyay in aan wararkaasi waxba ka jirin.

”Ma jiro wax kulan ah oo qorshaysan, gebi ahaanba!”

”Madaxwaynuhu marnaba diyaar uma ahaa inuu gorgortan Kenya sinnaba ugala galo arrimaha badda, balse diyaar waa u yahay haddii ay Kenya doonayso inay caadiyayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay Somalia la leedahay isla markaana ay qaaddo xannibaadaha ay u dhigtay dadka ku safraya dayuuradaha.” ayuu Hadalsame Media u sheegay sarkaal ku dhow Villa Somalia oo magaciisa qariyay.

”Annagu Kenya waa ugu geed fariisannay in la wanaajiyo xiriirka labada dal, balse Madaxwaynaha khad cas ayaa uga yaalla kiis badda oo waxaa kaliya laga war sugayaa go’aanka Maxkamadda ICJ.” ayuu raaciyay sarkaalkaasi ay la xiriirtey Hadalsame.

Hadalsame Media