”Imaaraadku waxay bilaabeen inay si qarsoodi ah uga baxaan dagaalka Yaman”

0

(Kaddib afar sanadood oo ay ciidamada Imaaraadku ay dagaal ba’an kula jireen Xuutiyiinta Yaman, waxaa iminka la sheegayaa inay si qarsoodi ah uga baxayaan albaabka dambe, sida ku dhigan warqaadka The Economist.

Todobaadyadii tegey ayaa la sheegay in ciidamada Imaaraadku ay qalab dagaal iyo ciidamo kala bexeen Yaman, halkaasoo ay qayb ka yihiin isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaaminayo ee la dagaallamaya Xuutiyiinta Shiicada ah ee ay Iiraan taageerto.

Imaaraadka ayaan si rasmi ah uga hadlin arrintan, balse waxaa loo badinayaa inay sabab u tahay dagaalka Yaman oo aan weli weji u bixin iyo xiisadda isa soo taraysa ee gobolka ka taagan gaar ahaan dhanka Iiraan.

Bishii Maajo afar markab oo kuwa saliidda qaada ah oo ku xirnaa dekedda Fujayrah ayaa waxaa lagu qaaday weerarro lagu eedeeyay iiraan oo iyaduna iska fogaysey.

“Imaaraadku waa is dejinayaan haatan, waayo waxay ogyihiin sida ay baylah u yihiin haddii uu bilowdo dagaal lala galo Iiraan,” ayuu yiri sarkaal ciidan oo reer Galbeed ah oo is qariyay.

Imaaraadka ayaa dhanka kale ku sumcad beelay dagaalka Yaman, iyadoo bishii tagtay uu Senet-ka Maraykanku hor istaagey qorshe Imaaraadka iyo Sucuudiga looga iibin lahaa hub ku kacaya $8bilyan oo doollar.

Halka gudaha Imaaraadka oo ka kooban 7 imaaradood xitaa la isku khilaafsan yahay khasaaraha iyo kharashka ku baxaya dagaalkaasi. Tusaale ahaan, Dubai oo Imaaradahaasi ka mid ah ayaan ku faraxsanayn saamaynta dhaqaale ee dagaalkan.

Hadalsame Media