”Somalia waxay ku guulaysatey inay Kenya go’doomiso!” – Standard Media

0

(Nairobi) 08 Luulyo 2019 – Wargayska Standard Media ee Kenya kasoo baxa ayaa warbixin dheer ka qoray arrinta doodda ay Kenya ku sheeganayso dhul-badeedka Somalia, isagoo sheegay in ”Somalia ay markale hoggaaminayso hareeraynta Kenya.”

Wargayska ayaa xusay in Kenya ay ku noqotay go’doonkii 1970-kii, markaasoo ay ku hareeraysnaayeen talisyo hantiwadaag is mood ah iyo rajiimyo kali talis ah halka Kenya ay ahayd dalka qura ee ku dhaqmayay hannaanka hanti-goosiga, goortaasoo ay kusoo qamaamtay Somalia oo dhul ka maqan raadinaysa, sida uu yiri.

Itoobiya waxaa haatan ka soconaya isbeddel xoowli ku soconaya, iyadoo Kenya kala wareegtey doorkii nabadoonka gobolka. Suudaan waa qasan tahay. Uganda iyo Tanzania waxay bilaabeen inay Kenya quursadaan, halka Somalia oo awal ”dhul ku sheeganaysay Kenya ay haatan baddii sheeganayso,” ayuu yiri wargaysku.

Wuxuu intaa raaciyay in Somalia ay garbaha ka taagan yihiin dalal badan oo reer Galbeed ah oo ay shirkadohoodu dano shidaal ka leeyihiin Somalia oo ay ku qalqaaliyeen inay Kenya ku dacwayso Maxkamad uu garsoore ka yahay nin Soomaali ah.

Dalalka Somalia ku taageeraya kiiskan ayuu wargaysku sheegay inay dhanka kale doonayaan inay Somalia sii ahaato dal kala qaybsan oo is khilaafsan si ay danohooda khaaska ah uga gaaraan dalal ay ugu horreeyaan Maraykanka, Shiinaha, Hindiya iwm.

Dhanka kale, Ingiriiska oo aan haatan saamayntii hore lahayn, balse kaddib Brexit doonaya inuu dib isu meeleeyo ayaa wuxuu ku tala jiraa in uu hub ka iibiyo ”Cusmaaminiyiinta cusub (Turki) iyo Carabta saliidda leh (Khaliijka) oo dano ka leh Somalia, si uu dadkiisa shaqo ugu abuuro.

Cusmaamiyiinta cusubi waxay waqti iyo wax dheefba u hurayaan inay dib u dhisaam Ciidamada Somalia oo ay tababarro u fureen. Jaamacadda Carabtu waxay sheegtay in ay Somalia Carab tahay sidaa darteed waxay Kenya uga digtey inay hor istaagto dhul-boobka Somalia, sida ku qoran wargayska.

Hadalsame Media