TILLAABO TAARIIKHI AH: Afrika oo maanta qaadday tillaabo ay u aayi doonto haddii ay hirgesho!

0

(Hadalsame) 07 Luulyo 2019 – Sidaa waxaa maanta maqaal ciwaan u ga dhigay wargeyska Iswiidhan u gu afdheer arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga oo magaciisu yahay Dagens Industari. Wargeyska oo ka soo warramaya heshiiska ay 54 dawladood ee Afrika Neyjeeriya ku galeen in ay suuqyadooda isu furaan, tabta Midowga Yurub, wax uu sheegay in uu yahay heshiisyadii afartii sano ee tagay oo socday oo maanta si buuxda la isu la qaatay ka dib markii Neyjeeriya oo awal ka cagajiidaysay saxiixday.

“Dagaalka ganacsi ee Shiinaha iyo Maraykanka oo socda Afrika maanta wax ay ku midowday heshiis ganacsi kii u gu baaxad weynaa abid ee dunida ka dhaca asaaskii Ururka Ganacsiga Adduunka ka dib”, ayuu qoray wargeysku. “Waxaa la gu xisaabtamayaa heshiiskani in uu ganacsiga dalalkan u dhexeeya kordhiyo in ka badan 50% sannadaha yar ee soo socda”, ayuu sii qoray oo sii raaciyay “imika ganacsiga Afrika ka dhexeeyaa waa keliya 15% ganacsigooda guud. Ganacsiga gudaha Afrika wax uu aad kor u qaadi lahaa dakhliga guud ee qaaradda sida ay qirtay hay’adda QM ee Unctad”.

“Ha ahaatee Victor Adetula oo ah madaxa Maxadka Nordic Africa Institute iyo khubaro kale wax ay la tahay in carqalado badani jiraan. ‘Waxsoosaarka Afrika maanta u ma horumarsana heer uu dabooli karo baahiyaha qaaradda, dadkuna wax ay ku wada jeedaan baayacmushtar iyaga oo illaaway soosaaridda waxii la ga ganacsan lahaa, iyada oo ay ahayd labadu in ay is garab socdaan. Markaa heshiiskan waxaa ka iman karta dantii loo socday liddigeeda oo ah in qolooyin kale, sida Shiinaha iyo Yurub, in ay suuqa furan ee Afrika ka faa’iidaan wax ka badan waxa dalalka Afrika ka faa’iidayaan’, ayuu yidhi Victor Adetula.”

Aniguna taa mid baan ku sii darayaa. Suuqa ganacsiga furan waxaa u shardi ah dhaqdhaqaaqa dadka oo furnaada, laakiin heshiiska Afrika ku ma cadda xorriyadda isu socodka dadku. Midowga Yurub saddexdan arrimood ma ka la hadhaan: xorriyadda isu socodk badeecadaha, adeegyada iyo dadka. Yeelkeed ee waa tallaabo weyn oo Afrika hore u qaadday.

Fiiro! Dalka 55-aad ee tirada Afrika ka maqani waa Erateriya oo dayro ah.

Waxaa Diyaariyay: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media