XOG: Hub culus oo ay leeyihiin Komaandooska Somalia oo ka degey Kismaayo (Beesha Caalamka oo taageeraysa go’aanka DF ee Doorashada Jubbaland)

0
FG: Sawirkani lama xiriiro sheekadan
FG: Sawirkani lama xiriiro sheekadan

(Kismaayo) 07 Luulyo 2019 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ay halkaa ka degeen agab ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada Koomaandooska Danab.

Markabka oo sida hub nuucyo kala duwan ah oo culculus ayaa la sheegay inuu gaar ahaan ku socdo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybtiisa 43-aad oo saldhigta agagaarka magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in madaxda sare ee Jubbaland ay isku dayeen inay carqaladeeyaan degitaanka hubkan balse uu Taliska Dhexe ee Ciidanka Xooggu warqad u diray Maraykanka oo halkaa saldhig ku leh isla markaana tababara Komaandooska Danab, kuwaasoo amray in la fasoxo qalabkaasi.

Qeybta 43-aad oo ka tirsan Xoogga Dalka ayaa waxaa loo carbiyay nuu gacanta ku dhigo dhamaan gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Dhanka kale, Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay soo saaraan War Saxaafadeed ay ku taageerayaan go’aankii Wasaaradda Arrimaha Guduhu kasoo saartay Doorashada Maxalliga ah ee Jubbaland.

Warqaddan oo shalay kasoo baxday DF Somalia oo ay saaran tahay mas’uuliyadda guud ee dalka ayaa waxaa dhegaha ka furaystay Maamulka Jubbaland.

Hadalsame Media