4 qodob oo lagu xallin karo khilaafka ka taagan cidda qaadaysa kharashka BUUGGA CAAFIMAADKA?

0

(Muqdisho) 07 Luulyo 2019 – Waxaa beri dhowayd lasoo rogey in buugga caafimaadka loo sameeyo dadka kasoo degaya ama ka dhoofaya Gegada Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Haddaba, waxaa la isku qabsaday cidda lacagta qaadaysa ma Gobolka Banaadir? Ma Waaxda Socdaalka? Mise Wasaaradda Caafimaadka?

Khaladka ugu wayn ee muranka kasoo dhex baxay waa in lagu dhaqaaqay tillaabo aan loo qorshaynin qaabkii loo fulin lahaa isla markaana aan la isku raacin cidii fulin lahayd, taasoo muujinaysa habacsanaan maamul.

Yeelkeede, taas oo ah cillad guud oo ka muuqata qaabka maamul ee Soomaalida waxaan dooddeeda u daysanaynaa maalin kale, balse aannu dul istaagno khaladkaasi sida ay tahay in loo xalliyo.

1 – Maadaama uu Garoonka Dayuuraduhu yahay hay’ad Federaal (federal facility) horta maamulidda wixii kasoo xarooda waxaa iska leh DF Somalia, sidaa darteed, Gobolka Banaadir fooska waa laga leeyahay. Waa sida ay tahay in DF Somalia loogu wareejiyo dekedaha, kastamada iyo garoomada ku yaalla dalka oo dhan.

2 – Maadaama howsha la qabanayo ay caafimaad la xiriirto waxaa howsha fulinaya Wasaaradda Caafimaadka, sida samaynta goobta wax lagu tallaalayo (oo aan haatan jirinba), qalabaynteeda iyo keenista dawooyinka iyo dhakhaatiirta ama kalkaaliyeyaasha.

3 – Wasaaradda Maaliyaddu waa inay lacagta iyadu qaaddaa, maadaama ay meeshu tahay hay’ad Federaal oo ay lacagtaasi ku dhacdaa khasnadda dhexe ee DF Somalia.

4 – Gobolka Banaadir maadaama uu isagu yahay maamul ka jira halka uu ku yaallo Garoonku wuxuu xaq u yeelanayaa in dakhliga soo xaroonaya uu ku yeesho boqolleey la isla qoondeeyay oo uu uga go’aysa khasnadda dhexe, amaba waxaa lagu heshiin karaa in markiiba ay toos u aaddo khasnadda gobolka, laakiin marka hore waxaa lacagta qaadaysa Wasaaradda Maaliyadda.

Haddii aan sidaa la yeelin waxaa maalin walba lagu murmi doonaa maaliyadda meesha, iyadoo aan wax mas’uuliyad ah la iska saarin gudashada mas’uuliyadda goobta taalla. Waxaa muhim ah in mas’uuliyad la muujiyo, si aan muhiimadda looga mashquulin.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media