GO’DOON MASKAXEED: ”Haddii ay Tigree tira yari hawaysteen inay xukumaan Geeska Afrika maxaa ku dhacay 40milyan oo Soomaali ah?!!”

0

(Nairobi) 07 Luulyo 2019 – Siyaasiga Soomaaliyeed ee Faarax Macallin Dawaara oo ah siyaasi xilal kala duwan kasoo qabtay dalka Kenya, balse inta badan ku fooggan arrimaha Soomaalida ayaa ayaa markale ka hadlay moowduuc xasaasi ah.

Faarax ayaa soo qaaday arrin ku saabsan sababta ay Soomaalida ay u han yar tahay guud ahaan Soomaalidu, gaar ahaan kuwa ay haatan Itoobiya maamusho ee Soomaalida Galbeed.

Wuxuu Twitter kusoo qoray: ”Waxaa yaqyaqsi ii leh sida ay Soomaalidu uga cabsanayso qoowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega. Caqliyad ayay u go’doonsan yihiin.”

”Haddii ay 3.5milyan oo Tigree ihi ay ku riyoon karaan inay noqdaan boqortooyo xukunta Geeska Afrika, maxay iyaguna u riyoon la’yihiin 40-kan milyan iyo dheeraadkani (Soomaalida)? Had iyo goor waxaa falka bilaabaya Amxaarada, Tigreeda ama Oromada. Maxaad ka baqaysaan?” ayuu is waydiiyay Faarax Macallin.

Warka Faarax Macallin wax badan ayaa ka run ah waayo Soomaalidu waxay u kala baxsan yihiin kuwii xorta ahaa oo faraqa isku dheggan, halka Soomaalida Itoobiya maamusho aysan wax door ah oo muuqda weli ku lahayn halka laga gaaro go’aamada dhexe ee Itoobiya oo ay ka taliyaan isbahaysi ka kooban 4 xisbi oo aanu midkoodna Soomaali ahayn.

Hadalsame Media