”Somalia waxay doonaysaa inay Somaliland ula dhaqanto sida uu Shiinuhu ula dhaqmo Taiwan balse…”

0

(Nairobi) 07 Luulyo 2019 – Weriyaha Adrian Balomfield oo ka howlgala warqaadka Ingiriiska ah ee Daily Telegraph isla markaana ah dhaqaale yahan iyo qoraa wax badan dersa kana qora qaaradda Afrika ayaa ka hadlay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka kacday booqashada uu MW Somaliland Md Biixi ku tegey dalka yar ee Guinea Conakry.

Weriyaha Blomfield ayaa is barbardhigay siyaasadda uu Shiinuhu ku wajoho gasiiradda yar ee dalkaa ku fallaagoowdey ee Taiwan iyo sida ay Somalia ula macaamilayso kiiska Somaliland. Wuxuuse qiray inuu jiro farqi wayn.

Wuxuu yiri: ”Sida uu Shiinuhuba u ciqaabo ciddii aqoonsata Taiwayn, ayay Somalia doonaysaa inay u ciqaabto ciddii khadka cas usoo dhaafta Somaliland.”

”Mase hubo sida ay taasi waxtar ugu yeelan doonto. Muqdisho qaaradda dhaqaale uma siiso sida Beijing ay yeesho.” ayuu raaciyay.

Taiwan ayaa waxaa aqoonsan ama la macaamila dalal dhowr ah oo reer Galbeed ah oo uu Maraykanku ugu horreyo, iyadoo laakiin ah dal leh raasumaal dad (human capital) oo wax soo saar leh.

Weriye Blomfield oo fadhigiisu yahay Nairobi ayaa inta badan u muuqda nin aragti ahaan u janjeera in la ixtiraamo madax banaanida geyi ee Somalia, isagoo tweet-yo badan ka sameeyay xiisaddii ay beri dhowayd Kenya bilowday.

Hadalsame Media