”Gini waa ku khaldan tahay go’aanka ay ku dhaqaaqday!” – Siyaasi Afrikaan ah oo ka hor yimid

0

(Lagos) 07 Luulyo 2019 – Siyaasiga caanka ah ee reer Nigeria Senator Shehu Sani oo sidoo kale siyaasi aamisan Afrikaannimada ayaa cambaareeyay go’aanka dalka Guinea Conakry oo uu ”khalad” ku tilmaamay.

Wuxuu Sani bartiisa Twitter-ka kusoo qoray: ”Dalka Guinea iyo dal kastoo kale oo Galbeedka Afrika ihiba waa ku khaldan yihiin haddii dal ahaan u aqoonsadaan Somaliland ama qayb kastoo kale oo doonaysa inay ka go’do Somalia.”

”Waxaa jirta hal Somalia. Sidaas ayuuna moowqifkeennu ahaa ayna tahay inuu sii ahaado oo aan la bedelin. Caqabadaha Somalia ka taagani waa marxalad mar uun laga gudbi doono.” ayuu daba dhigay siyaasiga Sani.

Afrika ayaa waxaa ku yaalla dalal badan oo iskugu darsan qoowmiyado iyo qabaa’il kala geddisan oo hal dal isku ah, sida Nigeria oo uu siyaasigani u dhashay, iyadoo sidaa darteed uu Midowga Afrika u yaallo sharci dhigaya in xuduudaha loo daayo sidii ay ahaayeen gumaysiga kahor si aan loo furin kiis silsilad ah, waana sababta Somalia loogu diiddan yahay gobollada ay ka haystaan Itoobiya iyo Kenya.

Hadalsame Media