DHEGEYSO: Eed loo soo jeediyey hoos u dhaca ku yimid waxbarashada suuqa shaqada

0

(Stockholm) 05 Luulyo 2019 – Ururada shaqaalaha iyo shaqo bixiyeyaasha ayaa welwel ka qaba inuu hoos u dhac ku yimaado dadka shaqa la’aanta ee qaata waxbarashada ay ugu diyaar garoowaan suuqa shaqada.

Ururka shaqaalaha LO ayaa dowladda ka dalbaday iney kordhiso dhaqaalaha lagu bixiyo waxbarashada suuqa shaqada ee miisaaniyadda deyrta. Dhanka shaqa bixiyeyaasha ayaa iyaguna ula jeeda iney dhibaatada imminka jirta sii kordheyso meelaha qaar.

Fredric Skälstad, madaxa shirkadaha waxbarashada Almega.

”Waxaa jira baabi’in saa’ida iyadoo mudo dhowr sano ku kooban la baabi’iyey boqolkii sodon goobaha waxbarashada, ayuu yiri.

Ku xigeenka labaad ee LO Berit Müllerström ayaa dooneysa in aad loo kordhiyo goobaha waxbarashada suuqa shaqada.

”Waa in boos loo helaa dad gaaraya 30 000 qof maadaama ay jirto baahi weyn oo loo qabo shaqaalaha, ayey tiri.

Hadalsame Media