DF Somalia oo maanta ciidamo hor leh kala soo wareegaysa degaanno hor leh

0

(Galguduud) 05 Luulyo 2019 – Taliyaha Xoogga S/Gaas Indha-Qarshe oo ay wehlinayaan saraakiisha iyo madaxda talisyada kale ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Xildhibaano ayaa la sheegayaa inay saakay u dhaqaaqeen dhanka Wuqooyiga Galgaduud.

Wefdigan ayaa la sheegayaa inay ku hormari doonaan dhanka Xeraale, halkaasoo laga bilaabi doono diiwaan gelinta iyo in ciidamada la geliyo iskeediyaha hab-raaca qarameynta ciidamadan oo lagu biirinayo kuwa Ciidamada Xoogga Somalia.

Wefdigan ayaa mari doona dhamaan goobaha kale ee lagu maleynayo ciidamo u baahan in la qarameeyo waxa ayna tilbaabadan daba socotaa howsha haatan ka socota Dhuusamareeb ee qarameynta Ciidamadii Ahlu Sunna oo ay la wareegtey Dowladda dhexe ee Somalia.

Hadalsame Media