DHEGEYSO: Dhallinyaro Soomaali oo olole nooc cusub ah ka bilaabay dalka Sweden & warar kale

0

(Stockholm) 04 Luulyo 2019 – Dhalinyaro Soomaaliyeed oo iskooda isu xilqaamay ayaa olole buug akhrin ah ka bilaabay magaalada Borlänge ee dalkan Sweden.

Dhallinyaradan oo sheegay inay iminka akhriyeen ilaa dhowr iyo toban buug oo kala nooc ah, ayaa waxaa ujeedka ugu wayn ee ka dambeeya ololahaasi buug akhrinta ah Idaacadda Sweden uga warrantay Shacbaan Sheekh Daahir oo dhinyaradaasi ka tirsan:


Seddax haween ah iyo seddax rag ah ayaa lagu xukumay xabsiyo kala duwan, kaddib markii lagu helay danbi la xiriira waxyaabo ay ka mid yihiin kufsi caruureed.

Mid ka mida haweenka ayaa lagu ridey xabsi lix sano ah iyadoo lagu helay danbiyo ay ka mid yihiin kufsi, xadgudub galmo iyo danbi la xiriira sawirro qaawan oo caruureed iyo dayacaad, iyadoo weliba dhashay caruurta lagu tacaddiyay qaarkood.

Labada haween ee kale oo iyagana lagu helay danbiyo ay ka mid yihiin sawirada qaawan ee caruurtaasi ayaa lagu kala xukumay xabsiyo lix iyo siddeed bilood kala ah. Ragga ayaa lagu kala xukumay xabsiyo 3 sano iyo 2 sano iyo bar ah.


Xisbiga dhexe ee Centerpartiet ayaa keenay hindise soo jeedinaya in hoos loo dhigo canshuurta laga qaado dadka ku nool gobollada Woqooyi Galbeed ee Sweden oo gaaraya 1.2m oo qofood.

Sida ay qabto Annie Lööf oo xisbigaa hoggaamisa waxaa jira farqi wayn oo u dhexeeya cabshuurta gobollada loo yaqaanno goobaha A & B marka loo eego qaybaha kale ee dalka taasoo u baahan in lasoo dhimo.

Hadalsame Media

 

’’Dadka deggan goobaha A & B oo ah 3 meelood oo 1 meelood Sweden waxay bixiyaan canshuurta ugu badan ee heer degmo, balse waxay helaan adeeg aad uga yar dhulka soo haray ee Sweden, waxaan qabaa inaan taa la aqbali karaynin.’’ Ayay tiri Lööf.