RASMI: DF Somalia oo xiriirkii u jartay dalka Guinea Conakry

0

(Muqdisho) 04 Luulyo 2019 – DF Somalia ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah xiriirkii diblomaasiyadeed ugu jartay dalka Guinea Conakry ee dhaca galbeedka Afrika.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo warkan warbaahinta u sheegay ayaa tillaabadan u sababeeyay ku xad-gudbid qarannimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed waxaana uu fariin adag u diray wadamo uu sheegay inay falkan oo kale ku kaceen, waloow aanu carrabaabin.

”Waxaanu tillaabadan u qaadnay in Gini ay meel uga dheceen qarranimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in DF Somalia ay u taagan tahay dhowrista ama ilaalinta midnimada, madax bannaanida iyo qarannimada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in go’aan kasta oo ay qaataan uu u taagan yahay ilaalinta iyo u adeegista danaha umadda Soomaaliyeed.

Soomaalida ayaa durba bilowday sababta ay dowladdu xiriirka ugu jari waydey Kenya oo marar badan qaadday tillaabooyin ka hor imanaya midnimada Somalia.

Hadalsame Media