DHEGEYSO: Gobollo ka tirsan Sweden oo lasoo jeediyay in canshuurta laga dhimo

0

(Gotland) 04 Luulyo 2019 – Xisbiga dhexe ee Centerpartiet ayaa keenay hindise soo jeedinaya in hoos loo dhigo canshuurta laga qaado dadka ku nool Woqooyi Galbeed Sweden oo ay ku nool yihiin 1.2m oo qofood.

Sida ay qabto Guddoomiyaha xisbigaasi Annie Lööf oo maanta soo jeedintan kusoo bandhigtay kulanka todobaadka siyaasadda Almedalen oo weli ka soconaya Gotland, waxaa jira farqi wayn oo u dhexeeya cabshuurta gobollada loo yaqaanno goobaha A & B iyo qaybaha kale ee dalka taasoo u baahan in lasoo dhimo.

’’Dadka deggan goobaha A & B oo ah 3 meelood oo 1 meelood Sweden waxay bixiyaan canshuurta ugu badan ee heer degmo, balse waxay helaan adeeg aad uga yar dhulka soo haray ee Sweden, waxaan qabaa inaan taa la aqbali karaynin.’’ Ayay tiri Lööf.

Hindisaha xisbiga Center-ka ayaa khuseeynaya qiyaastii gobolka woqooyi galbeed ee Svealand iyo gobolka woqooyi ee Norland inay sanadkii helaan canshuur dhaaf dheeraad ah oo celcelis ahaan gaaraysa 3,700 oo karoon qofkiiba.

Dhanka kale ,waxay Lööf soo jeedisey in meelahaa lagu maalgeliyo canshuurta dowladda dhexe iyadoo la gelinayo adduun dhan 2.9 bilyan oo karoon sanadkii, haddaba halkee laga keenayaa lacagtaasi? ’’Waa hindise adag oo lagu maalgelin doono canshuurta cagaaran ee bay’ada ee aan sheegnay inaan dabaqaadeeda dowladda kala shaqayn doono,’’ ayay raacisay Lööf.

Lööf ayaa sheegtay inay taasi gobolladan ka caawinayso inay soo jiitaan dad cusub oo soo dega si ay canshuur uga helaan, taasoo sare u qaadaysa horumarka ay samaynayaan degmooyinka gobolladaasi.

Hadalsame Media