Kooxda Heegan FC oo goor dhowayd u duushay dalka Rwanda + Sawirro

0

(Muqdisho) 04 Luulyo 2019 – Kooxda Heegan FC ayaa u duushay dalka Rwanda oo ay kaga qeyb gelayaan tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee Cecafa Kagame Cup dufcaddiisa 2019.

Kooxda Heegan oo beryihii dambe isku diyaarinaysay Garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan ayaa markoodii 2-aad ka qayb qaadanaya tartankan, iyagoo horay uga qayb galay fasalkii 2014-15.

Kooxda Heegan ayaa waxaa la socda Cabdiwali Cabdiraxmaan oo ka tirsan kooxda Dekedda, Cabdinur oo u safta Madbacada Qaranka iyo goolhaye Saaciid Yamani oo u dheela Muqdisho City Club. Waxaa kale oo wehlinaya madax ka tirsan xiriirka Somalia ee SFF.

Heegan ayaa kulan bilwogeeda koobkan ku wajahaysa kooxda Proline Football Club oo ka dhisan dalkaasi Uganda.

Hadalsame Media