Weriyihii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ka shaqa bilaabay Al Jazeera Carabi

0

(Dooxa) 04 Luulyo 2019 – Cabdisalaam Faarax ayaa noqday war-tabiyihii ugu horreeyay oo soomaali ah oo si rasmi ah ugu biiray xaruunta wararka Tv-ga Al Jazeera gaar ahaan qaybta af Carabiga oo ah hormuudka muuqaal baahiyaasha dunida Carabta ama Carabiga ku hadasha, isagoo ah war akhriye.

Al Jazeera ayaan guud ahaan ahayn meel ay ku cusub yihiin Soomaalidu iyadoo ay horay uga soo shaqeeyeen Raage Oomaar iyo Cabdiraxmaan Caynte, halka Maxamed Caddoow uu weli la shaqeeyo. Cabdisalaam ayaa horay uga soo shaqeeyay qaybta Carabiga ee TRT.

Al Jazeera oo qaybta af Carabiga lagu bilaabay 1-dii Nofeembar 1996-kii ayaa markiiba noqotay xarun wareed saamayn iyo miisaan culus ku dhex leh dunida Carabta iyo guud ahaan dunida Muslimka, iyadoo loo tiriyo inay sabab u tahay isbedello siyaasadeed oo ka dhacay mandiqaddaasi, gaar ahaan kacdoonkii la magac baxay ”Guga Carabta.”

Waxayna sii laxaadsatay markii lagu soo daray qayb af Ingiriisi ah 10 sanadood kaddib 15-kii Nofeembar 2006-dii, taasoo miisaan cusub saartay hab-qulqulka wararka loo bandhigo dunida oo markii hore han dhinac oo Galbeedka ah u janjeeray.

AJ oo ay xaruntoodu tahay magaalada Dooxa ee Qadar ayaa lagu dhaliilaa in ay ka shidaal qaadato boqortooyada Qadar oo aysan iyaga runta ka sheegin, sidoo kale inaysan si ku filan uga hadlin tacadiyada lagula koco shaqaalaha ajnabiga ah ee dalkaa usoo xoogsiga taga iyo in ay iska taageerto koox kasta oo dowlad jirta ku kacsan.

Hadalsame Media